Magalada Baydhabo oo maanta lagu diley mid ka mid ah ilaalada Taliyaha nabdsugida Buur-hakaba

0
74

baydhaboMagaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah ilaalada taliyaha nabad-sugidda degmada Buur-haka ee gobolka Bay, Col. Cali Garruun, sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay iska-horimaad xooggan.

Lama oga ciddii ka dambeysay dilka ruuxan ilaalada u ahaa taliyaha, balse ciidamada booliiska ayaa billaabay inay baaritaan ku sameeyaan hoteellada ku yaalla magaalada, waxayna kasoo qabqabteen dad fara badan.

Intii ay baaritaannadu socdeen ayaa waxaa uu iska-horimaad ku dhexmaray magaalada ciidamada booliiska degmada iyo kooxo hubeysan, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo ka mid ah ciidamada booliiska Baydhabo.

 

 

Daafeet.Com