Xuska Qowmiyahada Itobiya oo maanta ka bilaaban doonta magalada Jig Jiga

0
58

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMaanta ayaa waxa Magaalada Jig Jiga ka bilaaban Xuska Maalinta Qowmiyadaha itoobiya kaasi oo ay ka qeyb galayan wafuud caalami ah iyo Maamul Goboleedyada ka jira Dalkeenaa Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ee Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciil Mooge Xirsi iyo wafdii Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jiro uu hogaaminaayo aya waxay ku sugan yihiin Magaalada Jig Jiga iyagoona qeyb ka ah Martida lagu Casuumay Xuska,

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi-raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kuwada sugan Magaalada Jig-jiga kuwaasi oo si gaar gaar ah ukala socda kana qeybgalaya munaasabada.

Waxaa la filayaa Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa xuskan in furitaanka Munaasabada ay kalmado sharaf ka jeediyaan, ayadoona sidoo kale qowmiyadaha kala duwan ee ka qeyb galaya xusaka ay soo bandhigi doonaan hide iyo dhaqankooda iyo qowmiyad weliba dhaqanka u gaarka ah.
 

Daafeet.Com