Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa war been abuur ah ku tilmaantay warar si qaldan loogu baahiyay bogaga Internetka oo ahaa in wasaaraddu ay dhaqaale lunsatay.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Dowlada ayeey kaga hadashay waxqabadka wasaaradda ee sanadki hore, iyadoo intaa ku dartay in wasaaraddu ay guulo waaweeyn ka gaartay xiriirta caalamka.
Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaadday dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ku heysta wadamada kala duwan ee caalamka iyadoo tilmaantay in wasaaraddu ay wax weyn ka qabatay arrimahaasi, waxeyna hoosta ka xariiqday in ay dadaal u galeen soo daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan koofurta Sudan.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com