Ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha somaliya oo maanta la kulmey Reysulwasaraha cusub

0
38

key iyo cadbi weliRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka adag ee u dhexeeya Q.M iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay Danjire Kay taageerada joogtada ah ee Q.M ee ku aadan dib u dhiska dalka, waxaana uu xusay in uu rajaynayo in ay sii xoogaysataan dhamaan dadaaladda lagu samatabixinayo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergayga gaarka ah ee Q.M ee Soomaaliya waxaa kaloo ay ka wada hadleen soo magacaabidda Golaha Wasiiradda, qorshaha Hiigsiga cusub iyo sida ay dawladdu uga go’antahayu diyaar garowga doorashooyin dhacaya 2016.

Labada dhinac waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah sidii loo balaarin lahaa howlgallada Amniga ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab kadib markii dhowaan uu Golaha Amaanka ee Q.M ansixiyay kordhinta ciidamada Amisom iyo taageeradda ku wajahan qalabka ay u baahan yihiin ciidanka Soomaaliyeed.

 
Daafeet.Com