Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu qisaasay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaddib markii uu horey u dilay arday.
Askarigan aya alagu magacaabi jirey Maslax Ciise Iimaan oo maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku xukuntay in la qisaaso kaddib markii sanadkii la soo dhaafay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir uu ku dilay arday lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Axmed.
Xukunka dilka ayaa ka dhacay barxadda Iskuul boolisiyo ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay goob-joog ahaayeen guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida.
Daafeet.Com