Daawo..Caado Qaate Cabdi Suldhaan Yuusuf Suldhaan Cabdi oo ku been abuurtay degmada Afgooye.

20
138

suldaqWaxaa maanta markale magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir xaafadeeda Buula Xuubeey ku kulmay Koox caadaqaatayaal ah oo ku been abuurtay magaca Beelaha Digil uuna hor boodayay Dilaaga Mooryaanka ah ee Cabdi Suldhaan Yuusuf Suldhaan Cabdi.

Kulankan oo ahaa Wajigii labaad ee kulan ay horay magaalada Muqdisho ugu qabsoomay soona abaabuleen Siyaasiyiin, Ganacsato, Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Habar gidir ayaa waxaa lagu Shaaciyay inay fureen kulan ay ugu yeereen Gogosha nabada Awdigil ayna ka fureen magaalada Afgooye iyadoo uu shirkanina uu ka dhacayay guriga Xaaska ninka lagu magacaabo Aadan Guure oo ku magac dheer Eenoow Guuroow oo kasoo jeeda beesha Jiido ay ku leedahay dhabarka danbe ee xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Muqdisho oo dhacda xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir.

Kooxdan uu horkacaayay Mooryaan Cabdi Suldhaan Yuusuf Suldhaan Cabdi oo sheegta Saldanada Geledi ayaa waxay ka beensheegeen Shirka iyo Goobta uu ka dhacay halka wariyaha muqdisho u jooga Somali Channel ee lagu magacaabo Cabdirasaaq Jaamac Cilmi Black-na uu kala qayb qaatay kooxdan beenta isu bahaysatay.

Wariye Cabdirasaaq Jaamac Cilmi Black ayaa isagoo ku sugan hoyga aan kor kusoo sheegay ee ku yaal xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxa uu warbixin been ah siiyay Tv-ga Somali Channel isagoo sheegay in kulanka uu ka furmay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Inkasta oo aynaan garan karin waxa wariye Cabdirasaaq Jaamac Cilmi Black ku xunbaaray inuu been intaa la eg uu u gudbiyo Daawatada aamintay wararka Tv-ga Somali Channel ayaa waxaan hadana meeshan ka maqnayn inuu jiro dagaal aan bilow iyo dhamaad toona lahayn in lagu hayo dad badan oo Soomaaliyeed iyadoo loo adeegsanaayo warbaahinada kala gedisan.

Halkan ka Daawo kulankii Been abuurka ahaa

20 COMMENTS

  1. waa hab ka mid ah hababkii kala duwanaa ee dadkaan loo duleysan jirey..dadkan wey ku daaleen beenbentaan aan dhamaaneyn oo ay wadaan koox yar oo habaaraney ah oo ka timid galgaduud iyo dowlad ku sheega ka jirta muqdisho..

  2. kan qoorta ha laga gooyo waa afayeenka mooryaanta digil iyo mirifle ooisku duuban ayuu waxaa la soosiiyey kis lacag ah in uu kala diri walaahi isku duubnida ayaa sharaf laguleeyahay oo cadoqgiina idinkaga baqaa ee reer digiloow nimankaan iska qabta,

  3. Asc horta yaa waaye suldaan hadii aanahay reer ibraahin adeer waxaan suldaan u aqoonsanahay suldaan cusmaan ee maahan ninkaan suldaanka isku sheegay sorry aad baan uga xumahay odayaashaan doonaaya iney gacanta ugaliyaan cadawga digil taasina masiisaneyno odayaashana waxaan leeyahay hadaad sidaas kusocotaan waxaad lakulmidoontaan arin waligiin aadan arak farahaadna iiga guban doontaan taasi ogaada

  4. afgoi waxa mamul u sameystay muransade iyo habar gidir ninkaan dadkan wadata beelaha galeedi iyo jiido ee shirkaan isugu imaadey tolow afgoi xor ma u yihin? shirkaan hada socoda waxa wadta habar gidir oo ku guuldareystay dagaladii ay la gashay beelaha bagadi iyo biimaal, hadana waxay rabta inay aw digil u adeegsato jeebinta beelaha ka so horjeestay danaha habar gidir.

    jarerweyne, digil iyo mirifle biimaalow reer xamaar iyo dhamaan somalida konfureed amay noo roon tahay inan hal dhinac uga so wada jeesano dadkan dhulboobka ah? hadii kale sano an fogeyn kadib waxa sheekada noqon donta meeshan dad galeedi la dhaha degi jiray iyo meeshan jiido aya degi jirtay iyo jilible aya waa tiyeeglow dagi jiray , haadan iska deyn wayno xaasidnimada iyo is eegida dhexdeena ah

  5. odoyasha mesha ka hadlayo lacag aya lasoo siyey waxa kusoo harey shirka baydhabo digil hada nahay shirkas nama quseyo bay iyo bakool mamul ha u dhistan koley wax nagu soo kordhinayan malahan dadka daga bay iyo bakool ayaga ayey gajo ladhimanayan mida kale malin walbo wey is haystan dhuni waye dhamantoda sharif sakiin ayu lacag soo siyey waxey taganyihin 3 gobol 3 gobol ma ahan 2 dhista raxaweyn wax dhisan karta waligeda lama shegin ilaa yamul qiyama

  6. digl waxa leyhay dantena waxa ku jirta anago isku imana dantena aan ka tashano kuwa mugdisho ku shiraya waxba naguma soo kordhinayan kuwa baydhabo hadi run shegayan madaxweyne ladhisayo digil hala siyo kadib waan wada hadli karna hadi kale nagu kala wada rawayada naga dhafa malin walba idnko is haysta aya idin arkna wadaniyin matihin digil iyo mirfle inay is racan idnka diyar uma ahan

  7. asc waxan meshan kasalamaya dhaman dm waxan raba in an waxa mesha. E ka shegaya wax jiro ma ahan e Waa cade qate gogasha baydhabo hala tagero

  8. Wllh waa arin aad iyo aad u foolxun mooryaankaas iyo wariyahabo waa qoorta loo dheereyaa dadka reer afgooye iney arintaan ka aamusaan ma ah

  9. cajiiib tolow habargidir madaalayso miyaa iyada maalinba meel ay u ordaysaaa ee waxaase layaab ah qof lagumaysanayo xaaskiisa iyo beertisa ciyaalkisa gurigisa lahaysto hadana saan uhadlayo uu leyahay shirbaan qabanay waxaana kasoo jeda digil eee dadkaan dadkoodi xitaa ma naqdin karaaan miya hadaladan caado qadatada hawada marinayaaan cajiib ilaahaow dad jiifo ayaan kadhalanaye ilaahow dulligaaan nagasaar lkn insha allaah maalina aan dhereyn siidow mudey ayaaa odayaal laayay ayaa lamaqli dona insha allaah

  10. asc reer koon furoow balo idinku dhac day xanyaha la idin goosay war ninamakan waa jabane biya maal ayaa jab shaye dhinaca kala dirira oo iska saara habar gadirta rabta in ay idin qab sato hadii kale beeraha u fala ha idin adoon sadane sidiiitali ay idin adoon san jirtay

  11. kali asayle ayaa la idnku mari doonaa haddii adana kicin adoonsi ayaa idku soo socda kii kore ka daran sabtoo ah biyaal ayaa qori noo qatay ayay tagan yahin xaniin yaha ha laga saaro reer shabalaha hoose

  12. shabelle hose wanlaweyn, sxb waxa ku dhihi laha cayda jooji kow, fakarkaaga ah mirifle an ka harno waa tan cadowga noga guuleystay,,,,,,, somali waa shanbeelood marka adiga shantaas mida kale hadii xasidnimadii umadan duleysay meesha laga saaro qofkasta o wax wax garanaya wa ogahay inan aboodqebsigaan maanta hawiye iyo darood kula tartameyso aad ku heshay jabhadihi RRA, hadii halkankas adiga oo aw digil ahna kaalin ku yeelan lahed maanta maansab kaas ka daraan aya gaari laheyn…. marka hadad walalka mirifle ka maraanto, anaga dhankena dhibaato kaaga iman meysee ka sameyn karta inaad dhulkaaga ka difacto cadowga dhuldoonka ah ee biyaha ka gaaday ee gabadhada kufsi maher uga dhigeey ee habaraney? sxb in walal la kala qaad qado wax faaido ah oo ay tareyso maleheee dadkan meshan wax kuso qoreyna waxa tahay ninka uga ra,iga xun waayo ugana tabarta daraan,. anaga mirifle ahaan gaar ahan hadamo ahaan lafkasta oo digil iyo mirifle ah gaar ahan aw digil ah oo garab na waysiisata wa garab istaageyna insha alah tii naga maaraanta oo maxa tiri kaligeeda iska celin kartana waa siidii an rabnay. lakin marnaba ma dhaceyso in gabar gabool joogta hawiye iyo darood kufsiga uga oohiyaan xita hadi digil iyo mirifla kale cadowga so racaan……

    uga danbeeyn wa is tabar oganahay isu degan iyo isu dad aya nahay taladeena iyo aboodeena an mideyno an u hiilino biimaalka iyo bagadi ga xabada lagu wado.

  13. shabella hose walanlaweyn, degmada ad magaceeda wadato dad caadifadas aminsan kama imaadane ee waxa dega dad qadiyada digil iyo mirifle aad u aminsan ee waxa umaleynaya inaad tahay kuwii dhiig yacabkii fara badane ahaa canshuurta u qaadi jiray ee nagahana u geyn jiray.

    waa runta mirifle dhuuni ha isu dagaale hadu rabo wuu xor u yahay baay iyo bakool iyo sakow iyo luuq,,, ee adiga oo aw digil ah oo dabarene aheyn ma jirta degmo aad aboodada uga ilaalsan karto cadowga dhuuldoonka ah? widayow caqli saliim ah la imaaw dad kala maarmi kara ma nihin warabaha iska badan mamulka la sameynayana madaxweynee ka noqo lakin maskax caafimaad qabta iyo qadiyad la imaaw ee ka xorow rer galgaduud sida biimaal isaga xoreyey hadii kale gaabolka waaxa laga wareysanaya biimaal ileen dhul ninki dafacdo iyo ninkii u dhinta iska laheee

  14. sxb dadka loboteyo ha ii malyn u kaash aniga waxa ka dhashey shancalemod ilaheyna wuna badiyey dadka aad ka baqaysin anaga kama cabsano wanlaweyn san rabo aya u mara magalo ka amaan fiican kuma talo gobolka shableha hoose mida kale xudur waxa ku leyahay adiga alshabab iska soo xurey kabacdi garab sii digil waliga mamaqashey wanlaweyn gabr lagu kufsadey wanlaweyn magalo barakaysan ama waxa igu qaldee bimaal ina ahay gabdhahoda malin walba lakufsada gabr rer dafeed san hada lotabto kan mesha ka dhow ayu dagal bilaba

  15. scw salaan kadib qofkan saldanada sheeganayo yuu suldaan u yahay ?
    ninkani mala wuu waalanyahay oo ma fiyooba, war yaa u sheega yaa ogeysiiya.

  16. Arrintan Waa arrin yaab leh waxaloo bahan yahay in beesha digile oo dhan in ay isu imaadaan oo ay ka hadalaan dhibaatada iyo dhabar jabka ka dhex jira beesha digile dhexdeeda maxaa keenay in iyadoo lo ogyahay in Afgoye ay yeelato labo Suldaan? Awey odayaashhii Geledi wax garadkii aqoonyahanadi dhalinyaradi haweenka reer geledi dadow woqtigii ashuun ka hadalka dhamaadi ee fadhiga ka kaha.

  17. digil waxaa kubadan laba wajiilyaal waa xaqiiqo. tusale yar nimankan waxaa soo cabaabuley wazarda carimaha godaha godomiyaha sh hoose cqadir sidi iyo suldhan buuwe. marka waxaa rabaa odeyaasha fadhiyo baydhabo in cay iska elaaleyaan suldhan boobe waxoo u shaqeyaa habargidir waa nin laba wajeele cah

  18. Mirifle ayuu dhibka ka jiraan gaar ahaan kuwa degan labada Gobol ee Bay iyo Bakool. Shabeelaha Hoose, iyo Jubooyinka aflagaada ka daayo hadii kale 2diina gobol Alla ha idinku anfaco oo RRA iska wata, Kuweenaa degan Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose deegaan ayaan qabiilka aan nala daba ordeysaan oo Uurkana la iska neceb yahay nooga fiican. Kan ila degan ha I boobo adigaa dhul qax ah degan oo haddana dulmi iyo qiyaano badan I dhaci lahaa, Deegaan ayaan doortay aan ku qasaaro ama ku faa’iido 2daada gobol maamul u sameyso forget about 6 gobol.

Comments are closed.