Haweeney ayaa la sheegay inay xalay toogasho ku dishay sarkaal ka tisran ha’yadda nabadsugidda Qaranka oo ay xaaskiisa ahayd, kaddib markii uu muran xooggn soo dhexgalay.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Cadde ayaa waxaa la sheegay in xaaskiisu ay toogatay kaddib markii uu seexday, iyadoo haweeneyda oo ay gacanta ku hayaan ciidamada booliiska su’aalo laga weydiinayo sababtii keentay inay disho saygeeda.
Goobjoogaha ayaa sheegay in sarkaalka uu ku geeriyooday isla sariirtii uu jiiray, sidoo kalaena haweeneydii ay gacanta ku dhigeen ciidamada booliiska degmada Waaberi oo goobta soo gaaray.
Ma jiro hadal ku saabsan arrintan oo kasoo baxay hay’adda nabadsugidda Qaranka oo uu sarkaalku ka tirsanaa, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay shalay maxkamadda ciidamadu dil ku fulisay askari horay u dilay qof rayid ah.
Daafeet.Com