C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada cod bixinta wuxuuna sheegay C/weli Gaas uu helay 33 cod oo kamid codadka 66-da xildhibaan ee baarlamaanka, halka madaxweynihii hore uu ka helay 32 cod. Hal cod ayaa xumaaday waxayna taasi ka dhigeysaa wadarta guud ee codadka la dhiibtey 65 cod.
C/weli Gaas wuxuu kamid ahaa murashaxiin dhowr ah oo horay loo saadaaliyey in ay ku guuleysan doonaan doorashada madaxtinimada Puntland ee sanadka 2014.
Daafeet.Com