Xasan Sheekh oo ka qeyb galey 44 sano guuradii Hey’ada Nabadsugida oo lagu qabtey Magalada Muqdisho

0
46

xasanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo xalay ka qeybgalay xafladii xuska sanadguuradii 44aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa sheegey in Hay’ada Nabadsugidu ey hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.”

Xafladan ayaa waxaa kaloo ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Sii Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sii Hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey xaflada ayaa yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha Hay’ada Nabad sugida, xaasaskooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo caawa u dabaaldegaya 44 guuradii kasoo wareegtey maalintii la aas aasay hay’adan muhiimka u ah amniga nabadeynta iyo xasilinta dalka.

 

Daafeet.Com