Xalka Xurgufaha Federaalismka

3
143

federalSomalida waxay isku raacday in aay qaataan habka federaaliga ah si aay uga baxaan dhibaatooyinkii laga dhaxlay dowladihii dhexe ee wadanka ka talinaayey marka laga soo bilaabo qaadashadii xornimada 1960kii ilaa kacdoonkii lagu riday kaligii taliyahii Maxamed Siyaad Barre 1990kii. Hirgelinta habka federaaliga ah, oo ah mid aaysan Soomaalida waayoaragnimo u lahayn ama Soomaalida qaarkood aaysanba raali ka ahayn sababo kala duwan awgood, ma ahan wax fudud, laakiin haddii lagu guuleysto waxay u badan tahay in Soomaaliya aay mustaqbalka ka badbaado burburkii ku dhacay mid la mid ah. Sidoo kale hirgelinta habkan cusub wuxuu u baahan yahay aragti ku saleysan cadaalad, wada-hadal iyo gorgortan xoriyad leh iyo in la taageero rabitaanka halka loo badan yahay iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dadka dareemaya in laga tiro badan yahay.

Hadda waxaa lagu jiraa xilli kala-guur ah marka la fiiriyo dhinaca fikirka iyo dhisidda federaaligaba. Culeysyada jira waa kuwo beeleed, shaqsiyeed iyo kuwo dowlado shisheeye ah ka imanaya. Kulligoodna haddii aan loo wajihin si taxadar leh waxay caqabad ku noqon karaan sameynta habkaan ama waxay dhalin karaanba colaado hor leh.

Maadaama maamulada federaaliga ah aay qeybsan doonaan dakhliga dalka, awoodna u yeelan doonaan in aay maamulaan canshuurta deegaanadooda oo kor u qaadaan dhaqaalaha maamulkooda, waxaa soo baxay maamul goboleedyo badan oo ku saleysan qabiil ama aay horboodayaan shaqsiyo dano gaar ahaaneed leh, iyo kuwo aay dabada ka riixayaan dowlado ajnabi ah oo dano istaraatiijiydeed iyo dhaqaale wata.

Waxaa kaloo jira qeybo ka mid ah Soomaalida oo aaminsan in dowlad federaali oo cadaalad ku dhisan aay tahay xalka kaliya ee nabad waarta ku iman karto. Koofur Galbeed oo gogosheeda hadda Baydhabo loo fadhiyo waxay u muuqataa in ilaa iyo hadda aay si cad ugu dhawaaqeen in aay rabaan in la sameeyo maamul Soomaalida degaanka lixda gobol ee koofureed u dhan yihiin oo lagu dhiso fikirka dadka degaanka oo madax-banaan.

Iyadoo aay jiraan ujeeddooyin/dano badan oo kala duwan ayaa waxaa hadda bilowday, laakiin aan ahaan doonin markii ugu dambeysay, in la isku qabsado dhulal oo aay isla sheegtaan dowlado/maamulo goboleedyo. Sida Jubbooyinka oo aay hadda isku heystaan maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka ku heshiiyeen iyo kan Koofur Galbeed oo gogoshiisa loo fadhiyo Baydhabo.

Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka iyo dhamaan inta aay khuseyso waxaa saaran waajib ah in aay xal u helaan xurgufaha dhulalka la isku qabsado. Ma noqoneyso xal ciddii wax hor dhisato ama ku hor dhawaaqdo maamul ayaa xaq u yeelaneyso aayo ka talinta umadda. Waxaa loo baahan yahay haddii la isku qabsado degmo ama gobol, in la helo wado lagu xaliyo oo qeexan oo sharci ah oo lagu wado heshiiyo. Tan sidii aay ku imaan lahayd hey’adaha federaalka waa in aay hogaaminteeda yeeshaan oo lagu saleeyo cadaalad iyo rabitaanka dadka.

Tusaale haddii la isku qabsado deegaan waxaa la dhihi karaa in degaankaas dadka degan la weydiiyo rabitaankooda, qaab afti ahaan waqtiga ku habooon iyagoo xor ah oo aan cadaadis lagu heyn. Waxaa u furan: 1. in aay doortaan maamulka aay rabaan in aay raacaan; 2. in aay noqdaan deegaan aay Dowladda Federaalka ah u maamusho si ku-meel-gaar ama si joogto ah. Tusaale, sida caasimadda oo kale.

Maadaama lagu heshiiyey federaalism, xalna loo arkay, hirgelintiisa hala geliyo dadaal xoog leh. Sida waqtiga xaadirka ah lagu wado maareynta xurgufaha iyo dhidibo u taagidda federaalismka waxay faa’iido ugu jirtaa oo kaliya dadka markii horeba aanan dooneyn in wax federaal la yiraahdo uu hirgalo.

 

Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com

3 COMMENTS

  1. waxaandhihi lahaa waa waraaqaad u cajiib ah ha loo diro somaalida aan fahansaneyn oouu ka mid yahaymadaxweynaha soomaaliya iyo dadkakale ee jaahilka federalka aanaqoonin.

  2. fadaraal dani uguma jirto dadka deqan mudug iyo gal gaduud sidaas dar teed waxaa lo baaxanyaxay in ay teshadaan dadka udhaxeeya labada webi juba iyo shabele dadkan soo xayaami kaliye waxaa dan ugu jirtaa fowdada dalka iyo is qab qab siga dadka somaali maay war xurdada ka kaca mijaahidinta konfur galbed war dalkiina manaafacada war xodan baa tihin ka fa iideysada dalkina kg tusale waxaa ilaahey idin makansi gobal laga biilaay 17ka gobal somaaliya maantana markasta dhalanyeradiina waxaa lagu gumaada puntaland maxaa yaala qudaarta mesha laga cunaay waa tii kasoo go odo dalkiina xooyo sidaas darteed waxaa idin kula telin lahaa in ay dalkiina difaacdaan ka soo qaad shabelada xoose digil iyo mirifle oodhan markey is kasexdaan waa laga biili kara 17ka gobal somali waxaa ka dhagaala badan shabelada xoose markaasa idin koo gobalkaas ilaahey idin makansi baa xadana dadka waa ugu liidataan war xurdada ka kaca war xisaabtama war ilaahey ka cabsada walaahi xadi gobalkan ilaahey makansin lahaa maxaatiri DMla oodhan shaqaal nogon laxaayen siyaasinteena waxaan ugabaagi lahaa in ay xisaabtamaan oo fiiriyaan nicmada ilaahey sii oo iska ilaaliyaan lasluushka mar kasta lagu fur furaay wabilashi towfiiq asck dhamaan DM teeda kale su aslasha is weydiinta muda waxay taxay DMla is kuma kalsoon miyaa markastaba tela waxey kasugeyaan cadowgood maxaa udiidey sida somaliland iyo puntaland ayagaba way ku jraan dowlada mogdisho somland iyopnland maybuwaa tiithey iin taalo tiithy aangnoy konfur galbed gggguuuuuuuuuddddd war kaca

Comments are closed.