Mareykanka ayaa shalay xaqiijiyay in uu la-taliyeyaal milateri u diray Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Afhayeenka taliska Afrika ee ciidanka Mareykanka Colonel Tom Davis ayaa sheegay in askartan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan qorsheyaasha iyo talooyinka lagu taageerayo howlgalka AMISOM iyo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.
Ciidanka Mareykanka waxaa saldhig looga dhigay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
Waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ciidan Mareykanka ka socda loo diro Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993-kii.
Daafeet.Com