Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyey codsi Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u soo gudbiyey oo ahaa in muddo tobon cisho ah loogu darro soo dhisidda golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda.
Kalfadigan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayna soo xaadireen 185 mudane ayuu furitiinkii shirka guddoomiyuhu kaga hadlay fasaxa kalfadhiga saddexaad oo ku beegneyd maanta oo Sabti ah, isagoo xildibaannada u soo jeediyay in muddo 10 cisho la siiyo R/wasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed si uu u soo magacaabo Golahiisa Wasiirada.
Guddoomiyaha ayaa Xildhibaannada u akhriyay warqad codsi ahayd oo ka timid R/wasaaraha taasi oo ku saabsanayd in muddo toban cisho ah la siiyo si uu u soo dhiso Xuukuumad tayo leh, islamarkaana uu u horkeeno baarlamaanka, waxaana kulankii maanta goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo Ku-xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Dood dheer kaddib Xildhibaannadu waxa ay cod u qaadeen codsiga R/wasaaraha, iyadoo haa ay ku codeeyeen 142 Xildhibaan, saddex Xildhibaan ayaa ka aamustay mana jirin cid diiday meel marinta waqtiga uu soo codsaday R/wasaaraha sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Daafeet.Com