Dhegayso..Madaxweyne Xasan Shiikh oo fashil iyo fool xumo ka raacday rididii Ra’isulwasaare Saacid.

3
46

xildhiiMadaxweynaha Jamhuuriyada Fedraalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxaa markii ugu horeesay dibada u soo baxay fashil uu ka qaaday rididii Ra’isulwaasihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Madaxweynaha oo horay ugu eedeeyay Saacid inuu gudan waayay howshii laga sugaayay ayaa waxa uu hadana dib u doonay madaxweynaha in Wasiiradii fashiliyay Ra’isulwasaare Saacid ay dib u soo noqdaan si ay hadana u fashiliyaan Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Hadaba sirta Madaxweynaha ayaa waxaa daaha ka rogay isla markaan Mooshin ka keenay soo noqoshada Wasiiradii fashilmay xubno ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka.

Kalkan ka dhegayso WarbixintaMK

Moobilkaaga ku dhegayso

3 COMMENTS

  1. Aniga shaqsiyan waxaan fahmi la’ahay odayaashani dhaqan iyo taariikh unoqotay in ay isqab-qabsadaan oo ay umaddana lug gooyaan
    waa halkii abwaankii yiri; sheeyba sheey ku illoow
    shalay maanta ku illoow, waxaan islahaa shariif~ xasan ku illow? laakiin I AM SORRY waxay noqotay xasan shariifbaa kafiicnaa! shariifna c/laahi baa kafiicnaa? ma’umalayn kartid sida aan usoo dhaweeyay caleemo saarkii madaxweeyne xasan waxaan filayey in uu lahishiin doono Dhag-Dhagaaqa mujaahidiinta Al-shabaan islamarkaana uu soo celindoono walaalaheenna reer soomaaliland oo uu dhesi doono dowlad awood badan oo caadil ah

  2. Ok hadii aan kahadlo go’aanka baarlamaanka
    waa markii ugu horreysay ee ay qaadaan
    tallaabo wax ku’ool ah aad ayey umahadsan
    yihiin mudana yaasha keeney muushinka
    kadhanka ah waziirradii hore
    Golaha baarlamaanka soomaaliya waa in ay
    boorka iska nafaan oo ay laxisaabtamaan
    dowladda hadii kale ayaga ayaa lala xisaabtami
    doonaa

  3. yaa inka fikrad xun war xildhibaan xamar jooga muxuu diidi karaa midda kale meesha kaliyah ee aad u soo qaxdaan waa xamar ciidanka baydhabo qabtay waa reer xamar war maxaad diidi kartaan maxaase ogolaan kartaan tan kale ahmed madoobe isagaa xoreystay jubooyinka war hadii aad isu tagtaan ma kartaan aawdiinle inaad xoreeysaan

Comments are closed.