Reysulwasaraha dowlada federalka somaliya oo maanta la kulmey safiirka ingiriiska

0
73

Cabdiweli Sheekh iyo Neil WiganRaysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulankii ugu horreeyay maanta oo Arbaco ah la qaatay safiirka dowladda Britian u qaabilsan Soomaaliya. Neil Wigan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taageerada Britain ay siiso Soomaaliya, howlaha waa-weyn ee hor yaalla xukuumadda cusub iyo sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah marka la gaaro 2016, sida lagu sheegay war qoraal oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa uga mahadceliyay Britain taageerada ay la garab taagan tahay xukuumaddiisa.

Danjire Neil Wigan ayaa isna ugu hambalyeeyay raysul wasaaraha magacaabistiisa, wuxuuna la wadaagay farriin ka timid raysul wasaaraha Britain, David Cameron oo ahayd in Britain ay ka go’an tahay taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Daafeet.Com