Gudoomiyaha Sedexda gole ee ururka Ahlusunada gobolada Dhexe ayaa sheegay inaysan taageersaneyn wasiirada cusub ee tirada badan ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay in qaabka loo soo magacaabay ay ka soo horjeedaan.
Sheekh Ibraahim Xasan Guureeye ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiwelli uu soo magacaabay wasiiro badan, laakiin Ahlu sunn ahaan aysan ku laheyn xubin muuqata, sida uu sheegayna ay yihiin dad door weyn ku leh siyaasada Soomaaliya.
Waxaa isi soo taraya dadka ka hor imaanaya xukuumada cusub ee aan wali Baarlamaanka la horgeeyn, waxaana dadka ka horyimid kamid ah xubnihii wasiirada laga dhagay qaarkood.
Daafeet.Com
Gobolada Dhexe Dhibka Somaliya ayaga ayuu ka so bilabdey hadana sheko Diin ayeey isku bedeleeen.Waraba Duredka Dufta ayuu bedeshada Dabecadan waa sideeda kuwa idinka dhashtey oo Shabeloyinka dadka ku xasuqowhaya la so hadla. Ilahy aan idinka magan galney
Comments are closed.