Xildhibanada Barlamanka oo maanta loo qeybiyey Barnaamijka xukuumada Cabdi Weli

0
42

barlamanka-cusubKulanka baarlamaanka ayaa maanta waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Somaaliya kulankan ayaa guddoomiyaha isagoo ku hadlaya magaca baarlamaanka uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Ibraahim oo ka mid ahaa qareennada Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Guddoomiha Barlamaanka ayaa Xildhibaannada u jeediyey in marka hore loo qeybiyo barnaamijka Xukuumadda cusub ayna ku soo heystaan muddo afar iyo laatan saacadood ah, si ay u soo akhriyaan kadibna maalinta xigta ay uga doodeen, iyadoo coddeynta Kalsooni siinta Xukuumadduna ay noqon doonto maalinta Arbacada.

Xildhibaannada Barlamaanka intoo badan ayaa soo jeediyey in qof qof ay u soo arkhriyaan Barnaamijka Xukuumadda ay soo gudbisay kaddib doodda loo gudbo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa aqbalay hadal soo jeedinta Xildhibaannada Barlamaanka ee ah in qof qof loo soo darso barnaamijka Xukuumadda, waxaana laga doodaya maalinta berito ah, iyadoo maalinta xigta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha codka kalsoonid siinta loo qaadi doono Xukuumadda iyo Barmaanijka ay soo gudbisay.

 

Daafeet.Com