Wasiirarda cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.
Xubnaha wasiirrada ee la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 55-ka xubnood ee goluhu uu ka kooban yahay, kuwaasoo isugu jiray 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, waxaana dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.
Dhaarinta kaddib waxaa kulanka hadal ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Somalia isagoo uga mahad celiyay xildhibaannada baarlamaanka sidii ay kalsoonida u siiyeen xukuumaddiisa shalay oo Talaado ahayd, isagoo ballan-qaaday inay wadashaqeyn wanaagsan la yeelan doonaan baarlamaanka.
Guddoomiyah baarlamaanka oo isna hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay baarlamaanka, isagoo sheegay in intii ay howsha ku gudo jireen ay geeriyoodeen siddeed mudane oo qaar ka mid ah la dilay, sagaal xubnood oo kalena ay xilalkooda iska casiyeen.
Daafeet.Com
hala dhariyee ma xumee tuukada ka dilaacdey oo dhar dawlada wadata oo jidka mareerey ka bilaab ilaa awdheegle dadka ku dhacaya ma waxbay ka qaban doonaan hadaba waxan kula talinayaa dadk lo soo magacaabayo amaanka in ay wax ka qabtaan ciidamda gaaraya 300boqol ee jiiga bariire in ay ka soo qaadaan hadii kale waxay la kulmi doonaan in aan loo kala harin yar iyo weeyn inta u dhaxeeyso jidkaasi degen ha ahaado jareere weyne begedi gara biimaal iyo shanya caleemood jiife iyo inta aan soo koobi karo qbaailadeg jidkaasi in ay u diyaar garoobooyiin in ay iska qaadaan dulmiga 300 boqol dharka dadka ku dhacayaan oo so duule waan lagaranayaa meesha ay ka yimaaadeen jawaab deg deg ayaa laga bixin doonaa inta goor goor tahay meeshaasi dadka degen ha looga danbeeyo ee ciidamadasi halga sooqaado waa udada dawlada iyo shacabkaba waayo dhib aan la arkin ayey ku haayaan tuulooyinka bariire ma reerey inta u dhaxeeyso in guryaha ay baartaan ayey bilaneeen in dadka degen tuulooyinkasi lacag baad ah ka qadaan ayey bilaabeen jawaabtu mar dhaw hala sugo hadii ay ka soo bixi waayaan dadka way tashadeen dawladana waxaan u shgayaan meeshaasi dadka soo weerarayaa kuwa dulmiga wada ma ahan shabaab ee waadadkii ay dulmiyeen ayaa ku soo socdo yaan loo bedelin shabaab ayaa na sooweerertey sidaasimogaada dadka deegaanka ayaa isu soo abaabulaayo la socda in dulmiga iska qadaan ayey rabaan
Comments are closed.