Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay.
Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay R’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet.Com