Kulanka madaxda midowga africa oo lagu wado in uu kol dhow ka furmo dalka Itoobiya

0
76

(21)EGYPT-SHARM EL-SHEIKH-AU SUMMIT-ASSEMBLY-CLOSING CEREMONYMadaxda dowladaha ururka Midowga Afrika ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayay magaalada Addis Ababa oo uu ka furmay maanta shirkii 22-aad ee ay isku arkayaan hogamiyayaasha qaaradda Afrika.

Waxaa lagu wadaa in shirka looga hadlo arimo ay kamid yihiin colaadaha ka soo cusboonaaday wadamada kala ah Koonfurta Suudaan iyo jamhuuriyadda Afirkada dhexe oo bilihii ugu danbeeyay ay ka socdeen dagaallo dad badani ay ku dhinteen.

Maalinimadi shalay ahayd waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii wasiiro arimo dibadeedyada wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, waxaana Somalia uga qayb-galay wasiirka arimaha dibadda Cabduraxman Ducaale Baylax.

Ugu danbayn, waxaa lagu wadaa marka la soo gaba-gabeeyo shirkan in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo la xiriira waxyaabaha la qabanayo sanadaha soo socda ,iyadoo la dhiiri galin doono amniga iyo dhaqaalah Afrika oo horurmay ballaaran sameeyay.
Daafeet.Com