Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu wadaa inay intooda badan dhawaan isaga baxaan magaalada Kismaayo ee koonfur galbeed Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Col Will Wesonga ayaa sheegey in barnaamijka ka bixitaanka ciidamadooda uu dhawaan bilaaban doono ayna shaqada ku wareejin doonaan ciidamo ka socda dalka Sierra Leone.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Kenya oo VOA ay la xiriirtey balse diiday inuu magaciisa sheego ayaa sheegey in magaalada Kismaayo ay ku hari doonaan oo keliya ilaa 200 oo askari oo ka socda Kenya, kuwaas oo la shaqeyn doona ciidamada Sierra Leone iyo Burundi ee bedalaya kuwa Kenya wuxuuna sarkaalku intaasi ku darey magaca ay ku hawlgeli doonaan ciidamadaasi uu noqon doono AMISOM Qeybta 5aad ee Kismaayo.
Sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya waxaa kale oo uu sheegay in ciidamadda Kenya ay u dhaqaaqayaan duulaan lagu qaadayo gobolka Gedo iyo Jubbada Dhexe oo ay Alshabaab ka taliso.
Daafeet.Com