Waayaha, waqtiga, xaaladda, siyaasadda iyo dadkuba isu ekaa!!! Waxaad mooddaa Soomaaliya inaanay weligeedba xoroobin. Mise tolow Soomaalida kale way xorowdaye dadyowga Koofur-Galbeed ayaan weli xoroobin? Bal aynu isku eegno xadgudubyada iyo caburinta siyaasadeed ee haatan lagu hayo dadyowga Koofur-Galbeed ee loo diidan yahay inay aayahoodaa ka tashadaan – iyo xadgudubkii iyo caburintii siyaasadeed ee 1948kii lagu hayey guud ahaan Soomaalida oo waagaas ku jirtay halgan ay ku dooneysey inay kaga xorowdo gumeystihii reer-Yurub. Yuusuf Xaaji Aadan oo ahaa gabyaa Soomaaliyeed ayaa isagoo suugaantiisa ku cabiraya dareenkiisii siyaasadeed ee 1948kii wuxuu yiri (waa intaan ka xusuusto):
Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan ha maalin la leeyahaan ahay
Horseed nin ahoo horweyntiisii ha oodin la leeyahaan ahay
Nin Hawd fadhiyoo harraadna diloo biyaha laga heegay baan ahay
Dagaal nimu haysto meel halisoo hubkiisu hangool yahaan ahay
Wixii ku haboon nin haybinayoo bahdiis ka horjoogto baan ahay
Hobyiyo Hereriyo Hawaasta Galbeed hadmay isu hiilin doonaan?
Alleylehe, ku cibra-qaadasho intaas inoogaga filan. Akhristoow, bal xaaladda uu gabyaagu ka hadlayo waxaad ku cabirtaa midda haatan na haysata dadyowga Koofur-Galbeed. Waxaad si gaar ah diiradda u saartaa dhacdadii shaley oo ay taariikhdu ahayd 30/01/2014 ka dhacday magaalada Baydhaba iyo is-hortaagii lagu sameeyey gogosha dhismaha Dowlad-Goboleedka Koofur-Galbeed ee ka socda hoolka shirarka ee ADC. Beydka koowaad ee uu gabyaagu leeyahay, “Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan ha maalin la leeyahaan ahay”, wuxuu gabyaagu ku cabirayey sida gumeystuhu uga hortaagnaa inay Soomaalli aayaheeda ka tashato oo ay noqoto dowlad madaxbanaan. Beydka labaad gabyaagu wuxuu ku cabirayaa sida ay dadkiisu awood iyo karti ugu leeyihiin inay yeeshaan dowladdooda hayeeshee gumeystuhu uga hortaagan yahay. Beydka saddexaad halka uu gabyaagu leeyahay, “Nin Hawd fadhiyoo …” waxaad ku bedeshaa, “Nin Baydhaba (ADC) fadhiyoo…” – maxaa kuu sawirmay? Beydka afaraad markuu gabyaagu leeyahay, “Dagaal nimu haysto meel halisoo hubkiisu hangool yahaan ahay” – waxaad mooddaa inuu si saaniya uga tarjumayo xaaladda ay haatan ku sugan yihiin dadyowga Koofur-Galbeed. Beydka shanaad, “Wixii ku haboon nin haybiyanayoo bahdiis ka horjoogto baan ahay” – miyaanu si toos ah uga gabyeynin dadka DM u dhashay ee haddana kasoo horjeeda dhismaha Dowladda Koofur-Galbeed? Meeriska ugu dambeeya magacyada ‘Hobyiyo Hereriyo Hawaasta Galbeed’ waxaad u akhrisaa ‘Baydhabiyo-Kismaayiyo-Sh/Hoose-Gedo……..’ hadmay isu hiilin doonaan?
Dhacdadii shaley ka dhacday Xarunta Shirarka ADC ma ahayn mana ahan mid si kedisa iyo ku kedsoomid u dhacday. Waa dhacdo daba socotay isku dayo fara badanoo isugu jira kuwa muuqda iyo kuwa aan muuqan oo horey loogu sameeyey gogosha welina lagu sammeyn doono si loo fashiliyo. Waa layna tijaabiyey anana waan is tijaabinay. Waxaa Alle mahadiiya in dhacdooyinka noocanoo kale ah ay wejigii maaskalada ka feydeen cadowga dadyowga Koofur-Galbeed. Mar walboo ay ummaddu ogaato magaca iyo wejiga runta ah ee cadowgeeda waxaa u kordha ‘awood, kalsooni, dhiiranaan, isku tashi iyo baraarug hor leh’.
Waxaan u diirnaxayaa qofka Koofur-Galbeed u nasab sheeganaya oo wax ku qaadan waaya waxa maanta dhacaya! Walaalow waxa loo dan leeyahay ma ahan ANIGA ee waa ANNAGA. Anniga iyo adiga isku miisaan baan u saarannahay wixii naga soo hara oo ay ugu horeyso beesha caalamka uguna dambeyso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Tusaale waxaa kaaga filan qaabka loo hortaagan yahay inay dadyowga Koofur-Galbeed aayahooda ka tashadaan sida ay Soomaalida kaleba aayahooda uga tashadeen. Maxaa mar waliba loogu dayayaa hagardaamooyin la huwinayo magaca dowladeed, nidaamka dowladeed iyo qawaaniin aan la arag meel kaloo Soomaaliya oo ay ka shaqeeyaan? Wixii hadba geed iyo buur gaaban loogu soo ganbadaba waxaa aakhirkii loosoo bareeray in si cadcadeey ah loo fashiliyo gogosha dhismaha dowladda lixda gobol ee Baydhaba. Ma qaabka ay AMISOM iyo Dowladda Federaalka ay maalintii dhoweyd u farageliyeen gogosha ayaa ah sida uu qabo mandate-ka AMISOM amase sida uu qabo dastuurka Dowladda Federaalka? Jawaabtu waa labadoodaba way garab mareen xeerkii iyo qawaaniintii u degsanaa, waxaa indhaha iyo caqliga ka daboolay rabitaankooda gaarka ah. AMISOM xaq uma lahan inay farageliso bulsho si nabadgelyo iyo nidaam ah ku dooneysa inay sameystaan qaab ay aayahooda kaga tashtaan. Sidoo kale Dowladda Federaalka heerarkeeda kala duduwan ee dowliga xaq iyo dastuur toona uma lahan inay farageliyaan gogosha. Waxa keliya ay ku leeyihiin waa talabixin iyagoo u maraya guddi baarlamanteeriyan ah oo howshaasi loo igmaday dastuuriyan (waa hadduuba jiree).
Waxay kaloo dhacdadani noo faa’ideysay inay banaanka usoo baxday beentii ay weligood noogugu andacoon jireen markay timaaddo aaya katalinta dadyowga Koofur-Galbeed – waxay na dhihi jireen ‘haddaad tihiin dadyowga Koofur-Galbeed ma lihidiin hoggaamiyaal siyaasadeed (political leaders) aan kala xaalno arimihiina! Waan ogeyn weligeedba inaanu warkaasi run ahayn waxaana ku mashquulsaneyn baadigoob dheer oo aan ugu jirnay ujeeddada ka dambeysa ‘oraahdaas qaldan’ ee aan marar badan ka maqlay u qeybsanayaasha beesha caalamka ee gudaha iyo dibadda dalka. Waxay su’aashayadu ku dul wareegeysay, “Maxaanay beesha caalamka ugu ogoleyn dadyowga Koofur-Galbeed inay yeeshaan maamul-dowladeed u gaar ah”? Dadka aan arimaha siyaasadeed noocana u dhuun daloolin waxay mar walba eedda dusha kaga tuurayeen siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Koofur-Galbeed. Xaqiiqda biya kama dhibcaanka ahse waxay tahay inaanay beesha caalamka weligeed iyo haddeerba marna u ogoleyn dadyowga Koofur-Galbeed inay gaaraan xal siyaasadeed waara. Mar walboo ay talaabo horumar qaadaan jalaafo ayaa loo dhigi jiray, jalaafadii ayaana weli socota – taariikhda ayaa tusaale nagaga filan.
Maxaa ku kalifaya beesha caalamka inay arinta Kismaayo kala xaalaan dad iyagaba kooyto ah ayna og yihiin inaanay tala iyo go’aan toona ku lahayn degaanka?
Maxay beesha caalamka u garab mareysaa dadkii degaanka rasmiga u lahaa ee ay ka go’day talada degaanka (Kismaayo) dabadeedna talada ugu dhibeysaa nin kooyto ah?
Su’aalahaan iyo kuwa badanoo lamid ah waxaa jawaabtooda looga fadhiyaa aqoonyahanka, indheergaradka iyo siyaasiyiinta Koofur-Galbeed. Jawaabtii horey naloo siin jiray ee ahayd, ‘Hoggaamiye siyaasadeed ma qabtaan’ wixii hadda ka dambeeya iyadaa shaqeyn mayso. Maxaa yeelay waxaa layga hortaagan yahay inaan dhiso warshaddii uu kasoo bixi lahaa HOGGAAMIYAHA (waa gogosha dhismaha dowlad-goboleedda). Hoggaamiye ha yeelan, haddana ma qabtid isma qabtaane kala daaya!
CAMBAAREYN: Annigoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Koofur-Galbeed, Melbourne, Australia – waxaan cambaareyn middeeda ugu culus dusha uga tuurayaa dhacdadii dhowaantaan ay ciidamada AMISOM iyagoo ka amar qaadanaya DFS ay kula kaceen dadweynaha Koofur-Galbeed iyo is hortaagii ay ku sameeyeen gogosha dhismaha dowladda Koofur-Galbeed Soomaaliya.
Isaak Hassanow
Kusimaha Guddoomiyaha Jaaliyadda DM
Melbourne, Australia
unishef@live.com