Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’isulwasaaraha JF ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu manta kulan aan caadi ahayn la qaatay dhamaan mas’uuliyiinta laamaha amaanka oo uu ugu tun-weynaa wasiirka Amniga Qaranka Cabdi kariim Xuseen Guuleed kadib weeraradii xalay iyo habeen hore dhacay ee loo adeegsaday hoobiyayaasha.
Ra’isulwasaaraha ayaa intii uu socday kulanka aan caadiga ahayn waxa uu yiri, “Wixii xalay iyo habeen hore dhacay ma aha wax loo dul qaadan karo. Maanta waxa aan filayaa in dadkii wax ka dhihi lahaa ay halkaan fadhiyaan. cid kasta oo shaqadeeda ay tahay waan la xisaabtameynaa”.
Inkasta oo wasiirka amaanku uusan jawaab adag ka bixin canaanta wasiirka koowaad hadana waxaa maanta u xaqiiqowday in Cabdiwali uusan lamid aheyn Ra’isulwasaarihii hore Saacid oo hal-qabsigiisu ahaa, “Aad baan ugu faraxsanahay”.
Dadka odorosa muuqaalka dadka ayaa horay waxa ay u sheegeen in Ra’isulwasaare Cabdiweli uu yahay nin majixin jixa ah oo wasiir kasta kula xisaabtami doona shaqadiisa iyada oo hadii wasiirku gudan waayo shaqada ay lagama maarmaan noqoneyso in si dhaqsa ah xilka looga qaado.
AWALBA WAXUU AHAA NINKII KA SHAQAYNAYEY AMA HURINAYEY DADBA KA SOCDA SHABEELADA HOOSE MOORYAANTII KU SOO DUUSHAY JANARAAL KU SHEEGYADA GARAB KU SII NAYEY DAGAALKA SHABEELADA HOOSE MAANTAYNA WELI WASIIR WASIIRADII HOWSHA WAYN SHACAB U QABANAYEY JAGADII LAGA QAADAY LAKIIN KUWA BURBURKA WADA WELI WASIIR LOO MAGACAABAY HADII SOMALIA WASIIRADOODII LAGU QAYBSADAY QABIILKA WASIIR KU SHEEGA AMINIGA LAGU SHEEGAYO MALA WAAYEY QOF U QALMA JAGADAASI OO DANTA SHACABKA KA SHAQEEYA OO QABIILKAA KA SOO JEEDA HADABA WAXAAN ASAL LAND AMA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED AY DANAHA DULWAYNAHA DIGIL IYO MIRIFLE IYO SHACABKA DIGIL IYO MIRIF AYAHOODA KA TASHADAAN ILLAYN DOWLAD KU SHEEGA MUQDISHO WAANU ARAGNAA DARIIQA WELI AY HAYSATO OO KA SOO LAABASHO LAHAYN
WALEE DOOFAAR MA DAHIRO
Cabdikarim inyo taliyaha Boliska Jagada uma qalmaan waana lagu qaldey, cabdikarim wuxxu ka mid ahaa Wasiradi aan shaqadooda gudan ma aqani sabaab lo so celiyeey jagadan uhimka ahana logu so celiyeey Timir laf aa Ku jirto Muqdisho Alleh ay Qabta .
Comments are closed.