Dawlada Uganda ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya u soo dirtay 1,600 o askari oo dheeraad ah kuwaasoo loogu talo galay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan.
Ciidamadaan oo illaa shalay soo gaarayay magaalada Muqdisho ayaa ku biiri doona qeybta koowaad ee ay ka howlgalaan ciidamada wadamada Uganda iyo Burundi ujeedkana waxaa ay dawlada Uganda ku sheegtay inuu yahay xoojinta cududa ciidamadeeda Soomaaliya jooga.
Paddy Ankunda afhayeenka militryga Uganda oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka Shinwaa ee Shiinaha wararka u faafisa ayaa sheegay in ciidamadaan oo toradoodu gaarayso (1,600 Kun iyo Lix boqol) oo askari ay ka howl gali doonaan gobolada ay hadda joogaan ciidamada dalalka Uganda iyo Burundi ee ay Al-Shabab kula dagaalamaan si gaar ah waxaa uu u sheegay inay tagi doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Jowhar Marka iyo Baydhabo.
Daafeet.Com