Shabeelada hoose iyo koonfurta galbeed soomaaliya maxaa keenay marwaliba in leysku qabqabsado marwalibana la fashiliyo wax waliba oo ay dhistaan.

0
101

shabelahaWaxaan xasuusanaa in horey loo fashiliyey maamulkii uu madaxweynaha ka haa abuukaate XASEEY, Allah ha u naxariistee, dowladii uu madaxweynaha ka ahaa shaati gaduud Allah ha u naxariistee si cad aa looga soo duulay intaba waxaa sameeynayey dad kaga yimid meelo fog fog sida mudug iyo galgaduud dad kasoo jeeda oo uu hogaaminaayey tii ugu horeysey 1995kii Gen caydiid oo in mudo ah dhibaato ku hayey dhulkaan koonfurta soomaaliya inkastoo meel badan laga soo xoreeyay hadana wali kama aysan suulin dhibaateynta dadkii soomaaliyeed ee daganaa shabeelada hoose ilaa kismaayo inta ka dhaxeysa ilaa manta oo ay marba iksu dhiibayeen qolo ka qolo, lakin soomaalidu waxaa ay tiraahdaa runsheeg waa ceeb sheeg , mana rabaan runta iyo in eeda la saaro qof ,qabiil, koox intaba soomaalida oo dhan waa bari cid wax geysatay malahan marka waxa leys weydiinayaa yaa dadkaan 23 sano xabada iyo gaajada lagu dilaayey laayey ilaah qadartiis ka sokoow soo gacan bani aadam ma sabab san taa waxaa ka jawaabaya cid aksto oo soomaaali ah shacab iyo madaxdedaba gar ahaan madaxda xillingaan oo laga rabo waxii qaldamay in ay tartiib tartiib u saxaan hadba inta awooda garsiisan tahay daacadnimana ay jirto lana difaacin qof danbi galay laguna diifacin qabiil ama kooxeysi ama laaluush iwm.

Ilaah baa cadaalad ah kaliyah.

Waxa is weydiin mudan mar hadii horudhacan kooban aan isla eegno maxaa maanta oo ah 2014 aduuna wax badan ka horumaray dadkina aay wada fahan san yihin waxa ka socda meel waliba oo dunada ka tirsan ,in wali dad soomaali ah ayrabaan in waxii dhici jiray qarni ka hor in ay suuro gal tahay in maanta la sameeyo soo caqli xumo maahin .

Umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta waxa ay dhibane ahaayeen mudo fog min gumeeystihii ilaa maanta oo ay soo mareen wax waliba oo dhibaato ah oo qof bani adam loo geysan karo marka maxaa xal u ah
Dadkaan koonfurta waxaa xalkoodu ku jiraa inta aan qabo caqligeeyga gaarsiisan yahay , in ay helaan maamul ay iyagu leeyihiin soona doorteen meel kale looga keenin , ku dhisan cadaalad , sinaan ogolaansho wada noolaansho dhexdooda ah iyo kuwo kale ee ku soobiiri kara, is cafin ku saleeysan is xisaabin dhab ah ka dib iyo in waxii dhacay eedeeda dad qaadaan kana garaabaan saasna cafisku ku yimaado.

hadaba aan u soo dago maamulka ama shirka loogu sameeynaayo dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee soomaaliya ee baydhaba ka socda sababta rasmiga ah ee loo hortaagan yahay cida hortaagan iyo ujeedooyinka loo hortaagan yahay oo qayaxan.

1- 6dan gobol waa gobolada ugu qeyraadka badan ee soomaaliya , waxa ay kulansadeen Breero, Xoolo, Bad dheer Iyo dakado dabiici ah iyo kuwo dhisan , iyo xuduuda dheer oo ay la leeyihiin wadamada dariska la ah soomaaliya gara ahaan KENYA IYO ITHIOBIA, dadkaan daga 6da gobol isla dadkooda badankiisa dagan yihiin xuduudahaan gumeeysigu sameeyey ee labadaan dowladood aan soo sheegay, waxaa wehliya , waa isku dhaqan , isku af, iyo xeer, waxaa kaloo jirta in lagu tuhmaayo qeyraaad badan oo dabiici ah , gaas IWM.

2-Mudadii ay jirtay dowladnimada soomaaliya goboladaan waxaa lagu sameeyey wax cadaalada ka fog ,waxaa la boobay dhul beeredkii, waxaa la soo dajiyey dad soomaaliyeed oo abaaro saameeyeen iyo kuwo kale oo si ku talo gal ah loo soo dajiyey , lana deegaameeyey taaso wax lagu farxo ah lakin loo sameeyey in dadkii dhulka daganaa in lagu barakiciyo si qolo kale oo cusub loogu beero meshaasna ay dhulkii ku dhaxlaan qolooyinkaan cusub tasoo bud dhigeedu ahaa dowladii millitariga e bur burtay.

3- 23 sano ee dhibtu ka taagantahay dalka soomaaliya oo goboladan hoy u noqday dhibaato baahsan oo ka weyn tii hore, oo u dheertahay dil, barakicin xoog ah boob dhuleed iyo dhac dhan waliba leh.
3 qodob iyo kuwo kale oo aan ka tagay leysku daray ayaa waxaa ay sabab u yihiin in dadkaan 6da gobol aan loo ogolaan in ay si is kooda ah wax u dhistaan , tasoo dad badan oo kuwa dhibta ku haya ee soomaaliya qaarkood ku naaxay burburkii ay iska dhaadhiciyeen in hadii goboladaan maamul adag ay sameeystaan ay fashil ku tahay noloshooda iyo halgankii ay ay galeen burburinta soomaaliya,
a-waxa ay ka baqayaan in la xisaabiyo, waxii ay boobeena iyo danbiyadii ay ka galeen dalka lagu xisaabiyo iyo qaab sharci ah looga soo ceshto waxii ay boobeen sidaa daraadeed waxa ay ka doorbiyaan in fowdo lagu sii jiro
b- 23 sano waxii ay dhisi waayeen oo dowladnimo iyago ku amartaagleeyaan markii ay waayeen iyo dhulkii ay ka soojeedeen oo tuulo tuulo maamul goboleedyo isku magacaabay ku fashilmeen tasoo ummada soomaaliyeed ay wada arkeen ,ma aqbalaayn in cid kale nidaam sameeysato si loo sii arko fashilkooda 30jirsaday , marka ma rabaan in 6 gobol wax dhistaan iyagiina isku heystaan gobol yar oo aan isku filneyn dhan waliba
c- waxaa intaas dheer maanta waxa ay gacanta ku hayaan hantidii ummada soomaaliyeed dakadihii garoomadii , wasaaradihii ay dageen guryii dowlada ay boobeen ,marka ma aqbalaayn in wax nidaam ah yimaado si waxaas gacantooda ugu sii jiraan.

4- waxa ay ka baqayaan ugu danbeyn in taladii soomaaliya ee ay sida KMG ah u hayaan in markaan si toos ah ugu baxdo hadii ay dhisanto koonfur galbeed soomaaliya, waayo Somaliland iyo bunta land, iyo koonfur galbeed, iyo hiiraan oo la filayo in iyana nidaam ka sameeysmo ay isku yimaadan dowlad soomaaliyeedna sameeyan oo dadkoo dhan ka dhaxeeyo xaqoodna la siiyo , marka taas waxa ay ka xigaan in fowdo lagu sii jiro
intaan aan soo shegay iyo kuwo kale waxaa haboon in reer koonfur galbeed qiimeeyaan kana fogaadan intaan caqabad ah oo heysta , iyo dagaalka tooska ah ee lagula jiro , sida waxa ka socda shabeelda hoose ee duulanka qawan ah iyo waxa laga wado xamar oo ah in ay qasbaan dadka shabelda hoose in ay xamar ku daraan meshaasna ay ka baxdo wax la yiraahdo shabeelada hoose iyagoo adeegsanaya caado qatayaal ka soo jeeda deegaanadan.

waa in si adag looga hortagaa kuwo raba in laka gooyo 6da gobol , oo an wali fahan saneeyn mesha laga hagayo iyo cida ka danbeeysa.

waxaan ka digayaa hadii ay dhacdo in 6da lagu soo koobo 3 in ay u dhamatay midnimadii dadkaan wada daga lixda gobol iyo gaar ahaan DIGIL IYO MIRIFLE , oo daga dhamaan 6da gobol
bay iyo bakoo iyo shabeladahoose, gedo ,jubada dhexe iyo hoose oo tulo waliba iyo degmo waliba wax ka dagaan qaarna iyagu dagaan hadii ay ogolaadaan in laka gooyo waxaad ogaataan in aad isu diyaarisaan meshii aad ku biiri laheeyden hawiye ama daarood ama soomaaliya qaabkii ugu guuri laheeydeen ama adoonsi aad u diyaar garoowdaan wax ka dhaxeeya malahan.

NB . qilaafyadan siyaasadeedna ee dhexdeena ah waxaa laga yaabo in ay saameeyn ku yeelato mustaqbalka koonfur galbeed oo tiro 2 jeer ee horey wax ay dhisteen la bur buriyey xaga xamarna looga soo duulay , marka hadii shirarkaan iska soo horjeeda sii socdaan waxa ay sababi doonaan , tusaale cadna u yihin fashilka lagu haayo dadkaaan koonfurta dagan , gar ahaan waxa aay sii muujin doontaa karti darrada belaha wadaga iyo digil iyo mirrifle in aysan wali fahmin mesha laga hayo iyo waxa ay isku hayaan iyo waxa lagu hayo .

qofka islaamka ah 3jeer hal god lagama qaniino , marka shirkaan baydhaba ka socda waxa uu tusaale u yahay wax qabsiga beelahan digil iyo mirifle iyo wax qabsi daradooda , hadii ay ku fashilmaan ha u diyaar garoobaan mesha ii ay ku biiri lahayeen daarood iyo hawiye ama u diyaar garooba gumeeysi ka daran midka hada leydinku hayo.
cabdiraxmaan sheik maxamed