Ciidamo aad u tira bara badan oo Itoobiyaan ah maanta gaarey Degmada Bardaale ee Gobolka Bay

0
60

ethiopianWarar aynu ka helney degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal ka tirsan Ciidamada AMISOM ay gaareen Degmada Bardaale , iyadoona ciidamadu ay qeyb ka noqdeen ciidamo aad u badan oo halkaa lagu diyaarinayo.

Maxamed Isaaq Carra-Case oo ah ninka Guddoomiyaha ka ah degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegey in degmada ay soo gaareen ciidamada AMISOM oo aad u qalabeysan, isagoo xusay in kuwo kalena ay wali ku soo socdaan.

Gudoomiyaha Bardaale ayaa sheegay in Qorshuhu uu yahay sidii Kooxda Al Shabaab looga saari lahaa Gobolka Baay oo qeybo badan ay kaga sugan yihiin isagoo xusay in sidoo kale ciidamada dowladda ay halkaa iyana lagu diyarinayo.

Cutubyadaan ka socda AMISOM oo gaaray Bardaale ayaa ku hubeysan hub aad u culus iyo gaadiidka dagaalka oo xabadu aysan karin, waxaana la sheegay in ay u sii ruqaansan doonaan dhanka Deegaanada Al Shabaab ay gobolka Bay uga sugan yihiin.

 

 

Daafeet.Com