Wararka eynu ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay gaareen ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika gaar ahaan ciidamada Ethiopia.
Ciidamada Baydhabo tagay ayaa waxa at fariisimo ka dhigteen koontaroolka Al-Amaar ee laga galo Baydhabo, garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada Magaaladaasi.
Ciidamada ayaa qeyb ka ah cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo maalin ka hor gaaray Degmada Bardaale ee gobolka Baay, hadana dib ugu soo noqday Magaalada Baydhabo.
Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in bilaha soo socda ay qaadi doonaan howlgal ka dhan ah Shabaabka ku sugan Gobalada dalka Soomaaliya.
Daafeet.Com