Daawo;- Musliminta Africada dhexe oo la isugu darey Dil iyo barakicin

0
71

africaIn ka badan boqolaal Ilaa boqol kun oo qof dad lagu qiyaasay oo muslimiin ah, kuna noolaa caasimadda dalka Jamhuuriyada afrikada dhexe ee Bangui ayaa la sheegay in intooda badan ey u qaxeen dalalka Chad iyo Cameron, ka dib markii dadka kiristaanka ahi weeraro isir tir ah ku soo qaadeen.

Haweenayda dhawaan loo doortay madaxweynaha dalkaas, Catherine Samba-Panza ayaa sheegtay in cid kasta oo gabood falyo gaysatay la hor keeni doono, Maxkamada danbiyada iyo dhagaraha aadamiga laga galo ee dunida.