Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Gobolo ka tirsan Koonfur Galbeed sida gobolada Baay, Gedo iyo Bakool, waxaana la sheegay in gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u farabadan lagu arkay deegaano ka tirsan Gedo.
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay kasoo tallaabeen Magaalada Baydhabo oo ay xarun weyn ku leeyihiin, ciidamadan ayaa qaarkood waxay gaareen degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey oo ah xarunta gobolka Gedo.
Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dhawaan ay Al-shabaab ku dhawaaqday in laga hortago dagaalada looga horjeedo ciidamada Itoobiya ku biiray AMISOM, waxaana saraakiisha kooxdan ay tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada Itoobiya ku tilmaameen kuwo lagu doonayo in Soomaaliya lagu kala jar-jaro.
Dhinaca kale ciidamada Itoobiya ayaa iyaguna dhaqdhaqaaq ka bilaabay gobolka Bakool oo intiisa badan ay gacanta ku hayso Al-shabaab, iyadoo dhawaan uu taliska AMISOM sheegay inay howgalo ka bilaabayaan guud ahaan Soomaaliya si ay Al-shabaab uga saaraan deeganada ay gacanta ku heyso.
Daafeet.Com