Ayadoo haatan uu caalamku guda galay Qarnigii 21 aad isla markaasna hadal haynta ugu badanina ay tahay sidii uu caalamka uu uga hormari lahaa dhamaan dhinacyada nolosha iyo nooluhuba ayaa waxaa hadana ayaan daro ah in aynu weli ku guda jirno dagaalo sokeeyo oo tan iyo qarnigii tagay ee 20aad ay ummadda Soomaaliyeed ku xiiqday guud ahaan gaar ahaana gobolada dhaca Koonfurta dalka iyadoo ilaa iyo maanta uu weli daadanayo dhiiga dad aan waxba galabsan.
Inkasta oo bilowgii dagaalka sokeeye hadafka guud uu ahaa rididii maamulkii Milatariga ahaa ayaa waxaa hadana jiray hadaf qarsoon oo ay kooxo beeleed lahaayeen oo ahaa isku balaarinta dhulka qeyraadka badan ee Koonfurta dalka ayadoo koox beeleedyadaasi ay adeegsadeen wado kasta oo ay ku hanan kareen dhulkan Barwaaqaysan ee Barbaartiisu diiday inay difaacdaan.
Waxayna kooxda dhulboobku ay si sahlan ugu guulaysteen dhicista dhulka kadib kolkii ay dadka barakiciyeen,waxay sidoo kale ku guulaysteen guur qasan ah kadib kolkii ay cabsi geliyeen shacabka sidoo kalena waxay ku guulaysteen inay shacabka ku gumaystaan dhulkooda kolkay dagaal xaalufin maskaxeed iyo mid jireedba ay u gaysteen.
Talaabooyinka is xig xigey ee ay kooxaha duulaanka ku talaabsadeen ayaa waxaa u suura gashey in maamulka gobolada Koonfur Galbeed intooda badan ay gacanta ku dhigaan sidoo kalana maamulka guud ee dalka ayagoo loo adeegsaday magacyo kala gedisan oo weliba qaarkood aad u qurux badnaa si ay u gaaraan ujeedadoodii ku dhisnay dhulboobnimada.
Falalkaan guracan ee ay ku keceen koox beeleedyada dhulboobka ah ayaa waxaa u fududeeyay oo qayb ka ahaa caada qaatayaal jahli iyo jaga doon ahaa oo qabaan u noqdey kooxaha duulaanka kuwaasi oo ilaa iyo maanta turun turayn ku haya Ummadda dulman ee degta Koonfur Galbeed Soomaaliya..
Waxaa kaloo jirta in dowlada cusub ee uu hormuudka ka yahay Cabdiweli Sheekh ay amba qaadey qorshihii hore ee ay u dejiyeen mas’uuliyiintii beelaha duulaanka ee ku dhisnaa Qeybi oo xukun,Bur buri si ay u baaba’aan,Dil si ay u barakacaan,u gayso bahdalaad maskaxeed iyo mid jireed si ay isu dhiibaan ugu danbayna dhalan rog si ay u dhamaadaan.
Dowladan cusub ee Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa waxay talaabo aan la fileynin u qaaday dhanka xumaha ayadoo noqotay xukuumadii ugu horeysay ee ku dhiirata in ay dadka duulaanka ah ee beeraha ku heysta xooga ay u balan qaado in ay u sameyn doonto ciidamo ka ilaaliya shacbiga deegaanka taasi oo ah fal laga soo min guuriyey maamulkii cadaanka ee midab takoorka ahaa ee Koonfur Afrika(South Africa) oo beeraleydii reer Yurub ee cadaanka ahaa ay xukuumadii cadaanka ahayd ka ilaalin jirtay dadka madow ee reer Koonfur Afrika ee iyagu lahaa dhulka.
Hadaba kol hadii dowladii Cadaanka ahayd ee Koonfur Afrika u suura geli weyday inay beeralaydii reer Yurub ay ka ilaaliso dadkii Madoobaa ee dhulka lahaa sow ma ahayn in Ra’isulwasaare Cabdiwali inta uu wax ka barto taariikhdaas qoyan ee reer Koonfur Afrika ay dhigeen uu ku dabaqo koox beeleedkan raba in laga waardiyeeyo shacabka beeraha iska leh ayna waardiyayso Dowlada Muqdisho.
Waa yaab iyo amakaag in aanu waxba ku qaadan Ra’isulwasaare Cabdiwali taariikhda Dulmiga iyo Zawaalkiisa(Dhamaadkiisa)Inana waxaan leenahay Ra’isulwasaare”Dowladuhu waa xaaqine OGOW,Shacabkuna waa dhukiiye GARO”
Balse waxaa taasi ka daran dad isku sheegaya in ay yihiin aqoonyahano ama siyaasiyiin una dhashay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee dhibaatadu heysato intay u doodi lahaayeen guud ahaan KoonfurGalbeed ay dhibta u ziyaadinaayaan ayagoo kala qeybinaaya shacbiga aan la kala qeybin karin ee Koonfur Galbeed wax ma garatada siyaasiyiinta sheeganaya oo asal ahaan ku naaxey kuna xoola yeesha yeeshay ka ganacsiga dhiiga shacabiga Koonfur Galbeed in ay maantana weli ka caagin in ay qandaraas kusoo qaataan kala goynta iyo faquuqa shacbiga walaalaha ah ee ku nool Koonfur Galbeed Soomaaliya Kooxdan aan bidixda ka garaneynin midigta ayaa waxaa haatan aad u muqata in qandaraas abaabulan oo isugu jira siyaasad, dhaqaale, iyo warbaahinba ay kasoo qaateen Xasan sheekh oo Muqdisho maamulkeeda maara u la’ ayagoo ujeedkooduna uu yahay kala dhantaalida ummadda.
Hadaba waa yaabee ma waanay tani aheyn hadii qoosaarka xooha raaci lahaa uu waraabe noqdo yaa u maqan xoolahaas oo raaci doona dadka reer Koonfur Galbeed oo isku duuban waxaa ay maanta u taagan yihiin in xaqooda oo kaamil ah oo aan waxba ka maqneyn ay ku qaataan awooda shacabka ayadoo taasina haatan ayba gaba gabo ka mareyso kol dhowna Shariif Sakiin iyo koxdiisa iyo kuwa dhaqaalaha ku taageera iyo juhulada suxufiinta isu ekeysiiya ee marin habaabiyo ummadda la horkeeni doono laguna abaal marin doono falalkooda guracan oo ay ku dhiradeen.
Ee dhan walba nin kuu digay kuma dilinee intay goori goor tahay oo Maalinta Habeen u bedelmin, Aduunka Aakhiro u rogmin, Dhalanteedka Dhaboobin towba ALLAA furan.
Yasin Abicar
daafeet@live.com
Yaasiin waad mahadsantahya maqaalka waa cajiib oo aad muhiim u ah
Asc masha alah Ad ayan ugu mahad celinaya dadalka ay wadan iyo sida wanagsan ee ay ugu shaqeynayan Shacabka Koonfur Galbeed Webka Daafeet iyo Ishabaydhabo.
waxan leeyahy wad kumahadsantihin Tarikhda aya idin xusi donta wanagina wana ku amanantihiin Kartida iyo Geersi nimada ay mujisen.
Lakin waxan kaxumahy iney jiran web saydyo caado qaato ah oo ay leeyihiin dad an Raxweyn u dhalan asalkoda balse kuso dhex koray misna Raxweyn shegta waxna ka qora arimahoda sida
Waxan leyahy Ciirtada Cune Ayaa Caydada Yaqan.
Amaandhorey oo asal ahan kaso jeeda beesha Jareer weyne lakin kuso dhax koray Raxweyn baryahana Siyasada Konfur Galbed faraha laso galay wiliba u bareray inu wax kashego Odaysha dhaqanka ee kawakilka ah Konfur Galbed.
Iyo webka Baydhabo news ee uu leeyahy wiil yar oo ciyal Talyani ah oo xita an haysan hoy uu ku hoydo misna sexda kanisadaha Amandhorey aya intuu Xoga jebka u gali webkisa wuxu kuso qora copy uso dhaha baydhabanews.
Wa nasib daro in dadkas dacifinta ah ay udo taga xetan iney wax ka qoran dadki asalka u laha dhulka KG misna ay buun buniyan qoloyinka dhul boobka ah iyo kuwa damiir lawasha ah.
Manta wixi uu qoray waxa kamid ah In Axmed madowe uu aqonsaday mamulka KG Ee 3 gobol.
kkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkk
waxan leyahay Aqonsi axmed madow marab nee asaga lee tiisa hadar yelo Kenyankii ilalin jirayna way taganee.
aniga waxaan dhihi lahaa manta looma baahna war badan, xaalada waxa maraysaa I tus I taabsii, reysalwasaare c/weli,war laqabo xiisa malaha waxaa looga fadhiya mowqifkiisa ku aadan xaalada wadanka uu marayo yaanan layku daalinini saas iyo saas weeye la,arki done waqtiga dhow wuxuu uqabto ummadan rafaadsan,,,,
Comments are closed.