Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal C/xakiim Daahir Saciid Saacid, oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska ay xalay sameeyeen howlgalkaasi, kadib markii madaafiicda Muqdisho xalay laga maqlay.
Degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Yaaqshiid iyo Heliwaa ayeey ciidanka howlgalka ka sameeyeen, waxaana halkaasi lagu soo qab-qabtay dad kala duwan oo laamaha ammaanka Dowladda ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha qaraxyada.
Sidoo kale ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, ayaa waxa ay soo qabteen gaari noociisa lagu sheegay Kaarib oo ciidanka ay ku joojiyeen Isgoyska Black Sea, balse ragii watay gaari ay la carareen oo gudaha suuqa Bakaaraha laga soo dhexqabtay ragaasi.
Saraakiisha ammaanka Dowladda ayaa sheegay in wixii xalay ka dhacaye Magaalada Muqdisho ay ahaayeen qaraxyo dheemish ah oo aan wax khasaar o ah geysan.
Daafeet.Com