Faah faahin dheeri ah oo kasoo baxeysa qaraxii maanta ka dhacay albaabka hore ee garoonka Adan Cade

0
64

airporkaUgu yaraan lix qof ayaa ku dhintay qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab iyo askar isugu jira.

Saddex xidigle ka tirsan booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayna ay ahaayeen dhammaantoo dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Weerarkan ayaa loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Muqdisho, iyadoo dadka dhintay ay ka mid ahayd haweeney rayid ah oo maqaahi ku lahayd goobtaas.

Sakraalka u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan laguna laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo weerarkan mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

 
Daafeet.Com