Dowlada Turkiga oo joojisey Mucaawinadii ey dowlada tooska u siin jirtey

1
56

turkish redDowladda Turkiga ayaa la sheegay in ay si rasmi ah u joojisay taageeradii maaliyadeed ee ay sida tooska ah u siin jirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in taageerada tooska ah la joojiyay dabayaaqadii 2013, iyadoo aysan jirin warar xaqiijin kara sababta keentay in la joojiyo taageeradii lacageed ee Turkiga siin jiray dowladda Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Reuters u sheegay in ay ka war hayeen in la joojiyay taageerada dhaqaale, balse ay ku rajo weyn yihiin in si degdeg ah ay dowladda Turkiga u billaabi doonto taageeradaas.
Sarkaalka u hadlay dowladda Turkiga oo la weydiiyay in ay jiraan qorsheyaal dib loogu billaabayo lacagaha ay siiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin isku day ay dib ugu billaabi doonaan lacagtii ay siinayeen Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa kal hore sheegay in lacagta sida tooska ah ay uga helaan Turkiga ay dhan tahay 4.5 milyan oo doollar.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Subhanallah 4.5 Milayaan dollar maxa ay ku qabteen ha laga jojiyo sida tooska wax lo sinayo ee dalka turkiga meshi uu bahaan ha ku maal geliyaan.

Comments are closed.