Siyaasiga Injineer Saalax Sheekh Cismaan oo ah Aqoonyahan inta badan u dooda dadyowga dhibaatada ku habsatay ee Koonfur Galbeed ayaa sida aan horay idinkugu soo gudbinay bil kahor Safar deg deg ah ku aaday Soomaaliya.
Injineer Saalax ayaa safarkii uu ku aaday Soomaaliya noogu sheegay inuu ka qeybgalayo Shirweynaha la doonayo in dowlad goboleed loogu sameeyo Koonfur Galbeed ee ka socda Magaalada Baydhabo Janaay.
Waxaa kaloo jiray warar sheegaya in safarka Injineerka uu salka ku hayo xil raadis oo uu rabay inuu kamid noqdo Wasiirada Xukuumada Muqdisho, uuna u yeeray Gudoomiye Prof. Jawaari.
Mar aan arintaa wax ka waydiinay in looga yeeray Muqdisho ayuu Saalax ku tilmaamay war aan jirin, balse u socdo sidii uu uga qeybgali lahaa Shirweynaha ka socda Baydhabo.
Waxaa hubaal ah in Injineer Saalax Sheekh Cismaan uu Safarkiisa Soomaaliya ku saleysnaa Xil doon uusan aheyn ka qeybgalka Shirweynaha la doonayo in lagu badbaadiyo Mustaqbalka Dadyowga K/galbeed Soomaaliya.
Injineer Saalax Sheekh Cismaan ayaa habeen hore dib ugu soo noqday dalka Ingiriiska, isagoona sheegay in Prof. Jawaari oo Xigta dhaw ay yihiin uu si aan wanaag sanayn u galay. intuu ugu yeeray Wasiir-nimo, hadana ku yiri ka raali noqo sida aan rabay ma noqon, waa sida laga soo xigtay Injineerka.
Dib ugu soo noqoshada Injineer Saalax ee dalka Ingiriiska ayaa waxay Niyad Jab weyn ku tahay shacabweynaha Koonfur Galbeed ee sida aadka u Taageera Injineerka, la jeclaana in loo doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
asc, xaqiiqda dhabta ah ma haayo lakin waa hubaa in injeer saalax u yahay shaqsiga uga qadiyada badan digil iyo mirifle,ila mana ahaan in injineerka xoolo amaa xil bari la iska qaadayo ku dooranaayo qadiyadiisa.
mida kale hadii injineerka somali tagay oo wixi u rabay so wayay macanaheeda mahan inu saas ku wayay madaxtanimada mamulka konfur galbeed.
aniga taladeyda hadii la yeeli lahaa waxa dhihi laha injer salax ha loo doorto madaxweynaha konfur galbeed hadii la wayana madoobe nuunow waayo wayo ninmaankas aya ah ragu anu had iyo jeer is badalin ee muqoofkooda cad yahay inta kale habena meela ka heeysayan maalina meel kale. hadii intaas la wayana cabdulahi sheeikh ismaacil
Waa Qof kasta waxuu haq u leeyahey in u Fikradiiso dhiibo. Laakin waa in ay ahadaan Fikradaha la dhiibanaayo kuwo Xaqiida ku saleysan.Ugu horeyn Prof.Salah Sheik Osman waa Curudkii Boqortooyda GELEDI , qof manasab doon ah ma ahin. Haduu doontana mansab qof asaga kaga habuun in uu noqdo Wasiir ma jiraan. Haduu isu tagana Madaxweynha Maamul goboleed waxaa hobaal in uu asaga in u noqonayo qofka koobaad. Islaam ahaan Qof asaga mansab doonto ,walala soo doontaan. Eng.Salah Baidoa wuu tagi waxii Fikradiis ama dhaqaalo ahaan waxii ka geestey, intenationla Commnutga wuu ka dhadhicey arimha Qadayada Umada. Hadana Shaqo ayuu Jooga UK waxaan usii socda Italy si loo fahamsiiyo Aduun weynaha qadiyda Umadaan.
Bal inna tusa Haduu jiro qof qabtey inta u qabtey eng.Salah oo qaban karo.Umada Koonfurta Degto hadey isku raaci in u noqdo Madaxweyne Eng.Salah u diyaar in u qabto Hoogaanka. Laakin waa la joojiyo Fadhi ku dirir ah, Umada lagu furfuraayo, taasi mid loo dulqaadan ma ahin.
Waxaan idin rajeynayaa CADALAD
Filey Abdiyow Cusman
Comments are closed.