Warar inaga soo gaarey gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen deegaanno ka tirsan degmada Bardaale.
Deegaannada ay ciidamadan la wareegeen ayaa la sheegay inay ka talin jirtay Al-shabaab, inkastoo aysan weli ka hadlin Al-shabaab deegaannada lagala wareegay, waxaase dadka ku nool degmada Bardaale ay u sheegeen warbaahinta in cidamada Itoobiya ay isku ballaariyeen deegaanno ku dhow degmadaas.
Sidoo kale, mas’uulku wuxuu sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin kuwo ay doonayaan inay kooxda Al-shabaab kaga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Bay, waxaana howlgalladan ay kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda ay bishii hore ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda ay billaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan inay Al-shabaab kaga saaraan deegaanno ay ka mid tahay degmada Xudur.
Daafeet.Com
waa suaal da weynee dalka yaa iskaleh yaaxureynayo yaana laga xureynaa yaana loo xureyna itobiya waa dalshisheeye markii ciidan ugu dhimanayo uguna ciyaamaya waamaxay faaidada ugu jirta
Comments are closed.