Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah ayaa ku soo qulqulaya gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoo isku diyaarinaya duulaan culus ay ku qaadi doonaan ururka Al Shabaab.
Saraakiil u hadashay militariga Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in marka ay qabsadaan degmada Baraawe oo hadda xarunta ugu weyn u ah Al Shabaab ay halkaasi ka sameysan doonaan saldhigooda ugu weyn.
Maalintii shalay ayaa dad ku sugan degmada Ceelbarde waxay sheegeen in ay shalay degmada soo galeen ciidamo Ethiopian ah oo wata hubka culus.
Ciidamadan ayaa la sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.
Daafeet.Com