Gudoomiyaha gobolka Baay Mudane Dr. Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee Caasimada Koonfur Galbeed kadib markii uu muddo ku maqnaa safaro shaqo uu ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Mudane Hoosow oo maanta ka soo dagay garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka Baay,kan degmada Baydhabo, qaar ka mid ah odoyaasha magaalada iyo ururada bulshada rayidka.
Gudoomiye Cabdi Aadan Hoosow ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu gobolkiisa oo uu jecel yahay ku soo laabto.
Isku soo wada duuboo soo noqoshada gudoomiyaha gobolka Baay Mudane Hoosow ayaa ku soo aadaysa xili Warbaahinta qaar ay qoreen in uu Muqdisho ku xiran yahay, taasoo hadda ka dhigaysa hadal been abuur ah.
Daafeet.Com