Reysulwasaare Cabdiweli Sheekh oo manta gaarey dalka Jabuuti

0
46

cabdi weliRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Djibouti iyadoo uu garoonka kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Djibouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamud Cali Yusuf

Booqashadan rasmiga ah oo labo maalmood qaadan doonta ayaa Ra’iiusl Wasaaruhu uu kulamo kula qaadan doonaa madaxda dalka walaalaha aan nahay ee Djibouti oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dowrka ciidanka Djibouti ee Amisom.

Ra’iiusl Wasaaraha Djobouti Mudane Cabdiqaadir Kaamil oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri “Labada maalmood ee soo socota waxyaabo badan ayaan ka wada hadli doonnaan oo ah danaha labada dal ee walaalaha ah.”

Waxaa booqashadan ku whelinaya Ra’iisul Wasaaraha Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel iyo Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.
Daafeet.Com