Madaxweynaha dowladda federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey dalka waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Turkiga.
Xubno kala duwan oo ka tirsan labada gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu ka mid ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay booqashadiisii uu ku tagay dalka Turkiga wuxuuna xusay inuu la kulmay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi.
Daafeet.Com