Wafdi uu hor kacaayo gudoomiyaha barlamanka oo maanta gaarey Dalka Iraan

0
51

jawariWafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay soo gaaray magaalada Tehran ee Caasimadda Dalka Iran.

Gudoomiyha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ay ka mid tahay Marwadiisa Marwo Xaawo Ibraahin Aadan ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka dalkan Iiraan, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa la dejiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka loogu talagalay inuu ka dhaco shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC Baarlamaannadooda.

Kulammada kulanka ugu horeeya waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka saakay la qaadan doonaa waqtiga Tehran 2:00PM dhigiisa dalkan Iran Ali Larajani oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo wada shaqeynta labada

 

Daafeet.Com