Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tehran ee caasimadda Dalka Iran.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran marti gelinta shirkan dalalka Iskaashiga Islaamka iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen Wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hada iskaashi buuxa la leeyahay dalal badan oo caalamka Islaamka ah waxaana uu intaa ku daray in mar walba ay diyaar u yihiin iskaashi buuxa oo ay la sameeyaan Baarlamaannada dalalka Islaamka.
Shirkan oo lasoo gebagebeyn doono maanta ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Iran Dr Ali Larijani waxaana maanta ka sokoow Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya khudbadda uu ka jeediyey sidoo kale ka hadlay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Sudan, Turkey, Kuwait, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malysia, Indonesia, Afghanistan, Mayanmar, Azarbijan, Bakistan iyo Bahreyn.
Daafeet.Com
waxaan u arkaa mid aan waxba inoo soo siyaadineynin, waayo caalamka islaamka xaalada uu kusuganyahay waa midii ilaahay qua’aankiisa uga dugayweeye
teeda kale gudoomiyaha baarlamanka tii dadkaaga ayaad wax kaqabanwesey ma waxaad moodaa in shir dibada aad kaqeyb gashay micno inuu leeyahay ayaad mooda waxaan ku soo khatimayaa xadiiskan ssuban
قال عليه صلات والسلام : خيركم لأهله وانا خير لاهلي
Maansha Allah Adam Mohamed mahadsanid war adiga dhameyeey. Somalidu waxa ay ku max maxyoota ninki tisa adaryeela tu kale ku dara.
Comments are closed.