Gudomiyaha Barlamanka somaliya oo hishiis la saxiixdey gudomiyaha barlamanka sudaan

0
121

jawari1Gudoomiyaha Golaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa heshiis iskaashi kula saxiixday magaalada Tehran dhigiisa Dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor.

Saxiixa heshiiskan ayaa dhacay dhamaadka shirweynaha 9-aad ee Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo lagu soo gebagebeeyey magaalada Tehran waxaana labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sudan heshiiskan iskaashi iyo wadashaqeynta ku dhisan u kala saxiixay Gudoomiyeyaasha labada Baarlamaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay kulanka heshiiska kadib ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska iskaashi iyo wadashaqeyn ee ay hada la saxiixdeen walaalahooda Sudan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Sudan Dr Al-Faatix Cizadiin Mansoor oo isna dhankiisa heshiiskaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn tilmaamay in Sudan ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin iney iskaashi wadashaqeyn heshiis ku saabsan ay la saxiixdaan walaalahooda Soomaaliyeed waxaana uu isna dhankiisa ballan qaaday in heshiiskan ay ka go’antahay hirgelintiisa Baarlamaanka dalka Sudan.

 
Daafeet.Com