Qaraxyo culus ayaa goor-dhow laga maqlay agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo markaas kaddib ay rasaas xooggan halkaas ka billaabay, taasoo u dhexeysay ragga hubeysan iyo ciidamada dowladda ee ilaalada ka haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo aad u culus oo laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho waxaana qaarkood loo adeegsaday gaadiid wayxaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo rasaasta ay ka dhacayso dibadda madaxtooyada halkaasoo ay joogeen ciidammo ka tirsan kuwa madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxyadan ay fuliyeen rag hubeysan oo ay miinooyin ku xirnaayeen, waxaana kasoo baxaya tiradooda warar kala duwan, iyadoo rasaastu ay ahayd mid aad u xooggan.
Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan inay jiraan khasaare nafeed oo intaas ka badan oo uu weerarkan qorsheysan sababay, balse si dhab ah looma oga weli inta uu le’eg yahay, waxaana weerarrada noocan oo kale ah looga bartay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.
Daafeet.Com