Banaan bax looga soo horjeedo Alshabab ayaa maanta waxaa uu ka dhacayMuqdisho kaasoo ey soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayna gacan ka geysatay hay’adda wadahadalka bulshada (CCD) ayna ka qayb galeen boqollaal dadweyne oo ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, wasiiradda haweenka, Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha haweenka Banaadir, Jawaahir Baarqab, guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo madax kale oo fara badan ayaa iyaguna ka qaybgalay.
Wasiiradda haweenka iyo qoyska, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa khudbad gaaban oo ay halkaasi ka jeedisay ku sheegtay in shucuurta dadweynaha Muqdisho ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falalka Al-Shabaab ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho.
Dadweynaha isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir oo watay boorar ay ku qornaayeen “Doonimeyno Argagixisada, Shabaab doonimeyno” iyo ereyo kale ayaa goobta dibadbaxu ka dhacayay ku sugnaa, iyadoo dadweynaha qaarkood ay muujinayeen shucuur ay ku muujinayeen inay ka horjeedaan falalka amni-darro ee ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, C/Weli Sheekh ayaa markii uu soo galay beerta nabadda oo uu ka dhacayay dibadbaxa wuxuu salaan kula dhaqaaqay dadweynihii dibadbaxa ka qayb-galay, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad gaabanisagoo hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ku garab istaageyso shacabka Muqdisho dagaalka looga horjeedo Al-shabaab.
Daafeet.Com