War saxaafadeed kasoo baxay Golaha guurtiga koonfur galbeed somaliya

1
69

Dharin3Warsaxaafadeed uu warbaahinta u aqriyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Senedka Koonfur Galbeed Suldaan Siraaji aadan Xuseen ayaa waxaa uu sheegay inay canbaareynayaa dhibaatadii kadhacday Fila Soomaaliya iyadoo wasaxaafadeedka sidookale looga tacsiyadeeyey eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxii kadhacay Madaxtooyada.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Madaxda Sare ee Dowlada ay ku fashilmayn Kasbashada Bulshaweynta Koonfur Galbeed, ayna marwalba xooga saaraan siday u hagardaamin lahaayeen Aaya ka tashiga Dadyowga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxda Sare ee Dowlada ayaa looga digay inay joojiyaan Faragelin ay marwalba ku hayaan Aaya ka Tashiga Dadyowga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa sidoo kale warsaxaafadeedka ku qornaa baaq loo jeedinaayo Beesha Caalamka inay fiiro gaar ah u yeeshaan bulshada Koonfur-galbeed aayahooda ay katashanayaan waa sida uu u qornaa warsaxafadeedkii ay soo saareen Golaha Guurtida koonfur-galbeed soomaaliya.

Waxaa maalmaha soo socda lafilaayaa in Golaha Guurtida ay doortaan Madaxweynaha iyo labada ku xigeen ee hogaamin doona Shanta Sano ee soo socota Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. In sha allah
    Intii ummadda dhib ku haysana ilaahay awooddiisa haku qabto.
    Sideedaba maaalada baydhabo Hal shirka 6da koonfur galbeed somali mooyaane 3 gobol iska daaye xitaa loogama hadli karo 5.99 gobol in laga dhiso in sha allahu waa muqaddis lixdaan isku raacday niyad samida .
    Anigu tala ahaantetda waxaan qabaa qofkii afkiisa laga maqlo waxaan lixdaan gobol ahayn xabsi iyo iqaab halla marsiiyo.
    Waayo ibnu aadamku in lakululeeyo umbuu ku degaaya.
    Wabillaahi towfiiq

Comments are closed.