Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Alberta oo soo dhaweysey dowlad goboleedka Koonfur galbeed somaliya

8
103

image (1)Kulan aad u balaaran oo lagu taageerayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo madaxwaynaha lagu doortay sida xalaasha ah mudane Madoobe Nuunow  Maxamed iyo kuxigeenkiisa mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa uu ka dhacay magalada Edmanton.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha Jaaliyaddaha koonfur galbeed somaliya ee ku nool  magaalooyinka Calgary, Edmonton, Red Deer, iyo Fort McMurray.

Kulankaasi ayaa waxaa kaloo diirada lagu saarey xaalada guud ee siyaasada dalka gaar ahaan mida koonfur galbeed somaliya..

Ugu horeyntii ayaa kulankaasi waxaa ka Hadley guddoomiyaha Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee gobolka Alberta, Canada mudane Kaahiye Cabdullaahi Dhuubow. Mr Kaahiye ayaa waxaa uu sheegey in jaaliyadda koonfur galbeed ee gobolka Alberta ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay dadaalada sama doonka ah ee wax looga qabanayo nolosha dadka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu si buuxda u taageeray madaxda cusub ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay umadda iyo hogaanka Koonfur-Galbeed isfahan iyo wada shaqeyn daacadnimo iyo cadaalad ku saleeysan.

Mr Kaahin ayaa waxaa uu walaac  ka muujiyey dowlada federaalka iyo siyaasadeha lidka ku ah iyo fara galinta kuwado in  muddo ahba seey u carqaladeyso shirkii ka socodey  xarunta ADC ee magaalada Baydhabo.

Kaahiye wuxuu ammaan ballaaran u soo jeediyay odayaasha dhaqanka iyo shacabka  Koonfur Galbeed ee u dhabar adeegey sidii ey shirkaas uga mira dhalin lahaayeen ugu dambeyntiina ku guuleystey.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay aqoonyahano fara badan oo ay ka mid yihiin Dr. Cabdalla  Axmed oo ka mid ahaa halyeeyadii Xisbiya ee u soo halgamay jiritaanka shacabka Koonfur Galbeed asagoo sheegay in xudduuda Koonfur Galbeed ay ka bilaabato gobolka Hiiraan, iyo gudaha gobolka Banaadir.

Dr.Cabdalla Axmed wuxuu sheegay in uu asaga iyo waalidkiisa beerahooda iyo xoolahooda ay degenaayeen meel dhanka Bakool ka xigta oo dhowr KM u jirta magaalada Beledweyne oo ilaa iyo hadda joogaan.

Aqoonyahada kale ee shirkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Dr. Bishaar Xaaji Cabdisalaan oo ah guddomiyada Guddiga Odayaasha ee jaaliyada, Mr, Shariif Maxamed Xaaji oo ah Xubin ka tirsan Guddiga Odayaasha Jaaliyada, Mr. Xasan Aadan Hoosow oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaaliyada, mudane Ibraahim Safaari oo ah hogaamiyaha wafdiga ka yimid magaalada Calgary iyo kuwa kale.

Go’aanada ka soo baxay shirka oo ah:

1-     In si buuxda loo taageero dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada curutey iyo  dadaalka odayaasha iyo shacabka hormuudka yihiin goboladaas.

2-     In dhaqaale lagu taageero dowlada Koonfur Galbeed,Soomaaliya.

3-     Dowlada Koofunfur Galbeed  Soomaaliya inay si deg deg ah ciidan qalabeysan u dhisto si ey u sugaan amaanka iyo nabada gobolada lixda ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4-     Dowlada federal ka in ay taageerto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu Madaxwaynaha ka yahay mudane Madoobe Nuunow islma markaana qadariso rabitaanka shacabaka kasoo jeedo lixda gobol ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo danahooda iyo aayatiinkooda u tashadey. Kana dayso fara galinta iyo carqaladaha siyaasad xumada ku saleysan.

alb1 (1)

alb1 (2)

alberta

Wabillaahi towfiiq

8 COMMENTS

  1. waa idin salaamey rer konfur galbed dhamaantiin melkasto aad dinada kajogataan waxaa sigaar ah usalaameya warbaarhinta konfur galbed insha allah waad guuley saneysan halagu samro hagar daamada safarow iyo shairf xasan

  2. salaan ka dib aad baan ugu faraxsanahay mamulka ka hana qaadey koonfurta soomaliya waana soo dhoweynaynaa ..tan kale waa in laga wada tashtaa sidii Wax looga qaban lahaa dhibatoyinka ka taagan k/galbeed ka dibna loo gaari halka aan tiigsaneyno oo ah horumar,cadaalad iyo sinaan..inshaallah

  3. soo dhowaada sanad wacan
    sdii sinni meel ki hootey geethoo sarmaanty soogshoo isdeerayo ,heelaa saweethy sarqinyiin suurty ly shubaaw , sokeeyi I walaal salaang is dhaafsithaayang sifithyeewa letaa
    suuridaa mi suuly siifkaa malwaayi
    sumudaa semedy , saahee arlaatheng suud I agaarawa

  4. Asc salaan ka dib wslaahi waa esx aad loogu farxo waxa aad samayseen reer jaaliyada ALberta oo kudayashana muda ilaahey garabkiina hagalo, waxaan hadalkaygi ku soo gabanaya haguuleesto maamulka konfur galbeed amiin amiim amiin.

  5. asc salaan ka dib waa wax ku dayasho leh waxa aad samayseen reer alberta aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad taageertaan maamulka cusub ee konfur galbeed waxaan halkaan ugu mahad celinaya dhamaan inta soo abaabushey shirkaan taageerada oo lagu taageerey walaalaha konfur galbeed.

  6. asc salaan ka dib waa farxad waxa aad samayseen taageerada aad taageerteen konfur galbeed reer alberto mar walbo ku socda wadada hada aad haysaan waxaan idiin leeyahay guuleesta konfur galbeedna haguulaysato, konfur galbeed cadowgeed ayaa badan hajabo cadowgeed.amiin amiin amiin

  7. dhamaan bahda daafeed waa idin salaamay
    waxaan la yaabay amakaagay fajacay waxaa loo diiday 6da gabol loona ogolaaday sadexda oo waliba mid ka mid ahi aanu jirin ee yahay ma qaar saar , hadii aad rabtaan maamul 6g fadlan ciidan dhan 25000 ilaaa 30,000 ayaa la idinka rabaa in aad dhistaan ka hor maamulida lixda gobol ka dib taradaa aan sheegay 5000 ayaa ka soo hadhi doonka inta kale waxay ku shahiidi cidii hore umaamuli jirtay ka ayaaa xornimo ima naysaa
    xornimadaa 6da gobol oo calanka gumaysiga madow ee somalida isu tihiin aad calanka ka qaadan doontaan july 2060.runbaan idiin sheegayaa arintan mudo laabtan samo ka badan ayaan ka fikiraayay markaa sidan ayaan ku soo saaray natiijadii
    talo: waayeelka waxgarad haqoraan dhamaan wixii wayo arag nimo ah ee ay la kulmeen dhib ama dheef iyo dhulkii ay ku barbaareen.

Comments are closed.