Wasiirka amniga qaranka oo sheegey in Alshaba ey ka buuxaan magalada muqdisho

0
54

w gudahaGuuleed Wasaarada amniga Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, xili uu sheegay in Al Shabaab culeys badan uu heeysto dhanka deegaanada ay heeystaan.

Wasiirka amniga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka bar-bar dagaalamaysa Shabaab inay ka waantoobaan falalka caynkaasi ah ayna kusoo biiraan shacabkooda Soomaaliyeed shaqooyina loo abuuri doono.

Wasiir Guuleed ayaa sheegay inaysan marnaba udulqaadan doonin in Shabaab ay dhibaatooyin ka geysteen Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sidoo kalena ay ku dhuuntaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee Waxaa la aaminsan yahay in dhalinyaro badan oo ka tirsan Al-Shabaab inay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geysta falal lidi ku ah ammaanka caasimada.

 

Daafeet.Com