Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay howl-gallada wadajira ah ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sida wadajirka ah uga wadaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in howllgaladan Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya in ay yihiin kuwo suuro-gelinaya in ammaanka Soomaaliya dib loosoo celiyo.
Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii xoojinayo howlaha gargaarka ah ee uu siinayo Soomaaliya, uuna ka qaybgalayo caawinta dadka ku nool deegaannada Al-shabaab laga saaray.
Dowladda Mareykanka ayaa howlgalka AMSIOM ugu deeqday ran iyo sannadkii 2007 lacag dhan 512-milyan oo doollarka Mareyanka ah, sidoo kalena wuxuu ugu deeqay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya lacag dhan 171-milyan oo doollar.
Daafeet.Com