Reysulwasaaraha xukuumada federalka C/weli Sheekh oo maanta u kicitamey dalka Itoobiya

0
66

Cabdi Weli SheekhRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo, ayaa saaka ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa tagi doona Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka Urur Gobaleedka IGAD.

Khudbad uu halkaasi ka jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu kaga hadli doonaa arimaha Soomaaliya iyo halka uu marayo dagaalada Dowladiisa ay kula jirto Al-Shabaab.

Shirka Urur Gobaleedka IGAD waxyaabaha la filayo in lagu soo hadal qaado waxaa kamid ah arimaha dagaalada Dowladda ay kula jirto Al-Shabaab, xilli Dowladda ay caawinayaan ciidamo ka socda wadamada Deriska.

 

Daafeet.Com