KEEROOW 50 SANO HA-GAARO (Let keeroow be 50 years old)

2
121

kerowDadka Somaaliyeed meel-walboo ay joogaan waxay is wey diiyaan Su’aasha ah goormee ayuu Dalkeenu uu Nabad noqonayaa???

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay Su’aashaasi, waa Qofba garashadiisa iyo aqoontiisa inta ay la egtahay.

Qolooyin baa qabo in ay nabadu ay soo dhaw dahay, waxayna hadalkooda daliil uga dhigayaan arimahan hoose.

Koow in ay Dadku fahmeen micnaha Qabiilka,iyo ujoodooyinkiisa gurracan.

Labo in siyaasada Dalka ay ugudubtay qaab Axsaabaysi ah, ayna ka gudubtay qaabkii Qabiilka ku dhisnaa, xaaladuna ay meel wanaagsan ay marayso.Qolooyinka fikirkaa aaminsan waxaa loo yaqaanaa YAKUN KHEYR( kheyr bay ahaanaysaa)

Qolooyin kale baa iyagana qaba in xaalku uu joogo meel hoose, laakiin haddii arrimaha qaar la saxo, ay rajo wanaagsan ay iman-karto. Qolooyinka Fikirka noocaani ahi qaba iyagana waxaa loo yaqaanaa Not Too Bad (ma wada xuma)

Qolooyin kale ayaa iyagana qaba fikir ah in Somaaliya ay ubaahan tahay ugu yaraan 10 Sano oo kale si ay caalamka ula jaan qaado.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa (Nothing stays the same) (wax waligooda sidooda ahaanayo majiraan)

Qolooyin kale ayaa qabo in marka lagaaro Codeeyn xor ah Nin & codkiisa (One man & one vote) in Somaaliya ay noqonayso waddan israaco oo wanaagsan Sanadku markuu noqdo 2020.Qolooyinkaan waxaa loo yaqaanaa Good news (Aqbaar wanaagsan)

Qolooyin fikir kaa ka duwan qabo ayaa jira, iyagoo hadalkooda cuskinaya arrimo muhiim ah,si gaar ahna farta ugu fiiqayo waxa jira hadda iyo wixii lasoo dhaafay, xaalka Somaaliya in uusan dhaweyn uuna yahay mid Ceel dheer ku dhacay, Qolooyinkan waxaa loo yaqaanaa Group of Truth (kooxda Runta) waxayna daliil ka dhiganayaan qodobadan hoose.

1- Somaliya kooxaha isaga soo horjeedo waa Dulmi Vs Dulmi, Dagaalada iyo is riix-riixa mudada dheer socdayna waxa uu u dhaxeeyaa kooxo si qalad ah isaga soo wada horjeeday oo kaliya, majirto Qolo xaq leh oo xaqqeeda raadsanayso waa Qolooyin si dulmi ah isaga soo wada horjeeday.

2- Weli waxaa lagu jiraa Dhul boobkii iyo isbarakicintii lagu hayay umadda looma ooyaanka deegaanadooda, Qaybo kamid ah dhulkooda Qalin ayaa lagu boobay, Qaarna Qori ayaa lagu boobay,Qaarna farsamooyin kale ayaa lagu boobay oo yaab leh, sida Guur farsamo ah oo ay guursadaan Gab-dhaha Degan Gobolada Barwaaqada ah, Qolooyinkan Dhul-boobka ah waxay Dadkooda usoo jeediyeen talo ah in laguursado Gab-dhahaasi barwaaqaysan si ay ugu milmaan una dhaxlaan deegaanadan barwaaqada ah.

Gab-dhaha lagu balammay in laguursado Magacyadooda waa sidan Maano, Hadiijooy, Ruqiyoow, Batuulaay, Faadnaay, Fanaay kuuso,iisho,Caashoow,Kheerto,Binti,Nimcooy,Shariifo,Gaabo,Soonto,Xaaweey,IWM.

Haddii uu wiil udhashana in loo bixiyo magacyadan midkood Keeroow, Eenoow, Aliyoow,Abdoow, Mustafoow, Xuseenoow,Abroone,Munye,Buube,Ibraahinoow,sababtuna waa qiyaanooyin kale ee la doonayo in lagu dhaco deegaanada Dadka masaakiinta ah ee u dhaxeeyo labada Webi.

Ula jeedku waa in wiilka laga dhalay Hadiijoow ee loo bixiyay Keeroow in uu sheegto Deegaanadaasi in uu leeyahay, cid walbo way ogtahay Jiin Dhoobeey weli Taariikhda laguma hayo Nin jileec ah ee deganaa ka hor 1954. Dadka dhul-boobka ah waxay ku soo duuleen Dhulka labada Webi laga soo bilaabo 1954 ilaa iyo maanta, Waxayna ku yimaadeen Farsamooyin kala duwan sida Qalin, Qori, Qabiil , Shaati Diin, Shaati Dowlad-nimo waxa la boobayo waa Dad masaakiin ah Deegaanadooda.

Dadka duulaanka ku ah dadka masaakiinta ee marba shaar usoo xirto, xalaaleeystayna deegaanadooda waad aragtaan sida loo xalaalaystay Jubooyinka,Dadkii asalka ulahaana looga boobay, waad aragtaan sida shabeelaha hoose xaalkiisa uu yahay, waad aragtaan Shabeelaha dhaxe sida xaalkiisu uuyahay.

Group of Truth (kooxda Runta) waxay kaloo ay sheegeen oo ay yiraahdeen Qolooyinka dhul-boobka mid kamid ah wuxuu orad ugu jiraa inuu helo uuna gacanta ku soo dhigo Gobolada Jubbada hoose/Jubbada dhexe/Gedo. oo ay degaan ka dhigtaan, dadkii lahaana sidaasi looga fara-maroojiyo ama looga boobo iyagoo ka faaiidaysanaayo xaaladihii hore ee loo soomaray & xaalada hadda jirto.

Qolada Labaadna waxay orad ugu jirtaa in ay hesho laga soo bilaabo Gaalkacyo ilaa iyo Jammaame oo ay dagaan ka dhigtaan, dadkii masaakiinta ee lahaana sidaasi looga boobo oo afka ciida loogu daro.

Caalamku waa wada ogyahay Labadaa Qolo ee Dhulboobka ah in ay ahaayeen Xoolo dhaqato oo aysan ahayn Beeralay ama Kaluumaysato, xirfadooduna waa xoolo dhaqato, deegaanadooduna way ka fogaayeen Juqoraafi ahaan Aga-gaaraha labada Webi.

Dib ufiiri Taariikhdooda ama Gabayadooda kuma jiraan wax ay uga had-layaan Webi iyo Beero qodasho ama kaluumaysi waxaa kujira oo kaliya waa GEEL, DAGAAL, QABIIL, Gab-dho lakala boobo IWM,

Dadka looma ooyaanka dhibka soo gaaray lama soo koobi karo, ee ka soo gaaray Dadka dhul boobka ah ee ku soo duulay Dhul-kooda, Dadka looma ooyaanka waxaa gudaha Dalka Somaaliya looga ooday xerooyin Magaalooyinka waa weyn sida Muqdisho, Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe.Xerooyinkaasi waxaa loo bixiyay xerooyinka Barakacayaasha.

Dadka looma ooyaanka ee deeganadooda laga boobay dhibka soo gaaray intaa kuma eko waxaa jiro qaar usoo cararay Wadamada aynu deriska nahay sida Keenya & Ethoopia iyadoo laga faa’iidaysanayo dhibka haysto ayaa Diintoodii laga saaray , dhibaatadaasi soo gaartay waxaa masuuliyadeeda leh dadka soo barakiciyay ee dhulkooda ka boobay.

Dadka looma ooyaan iyagoo barwaaqo iyo bash-bash kujira ayaa qolooyinkaan Dhul boobka ah ay ka dhigeen qaxooti una bixiyey magaca Barakacayaasha, waa runtooda way soo barakiciyeen.

Group of Truth (kooxda Runta) waxay kaloo sheegeen hadii aysan waxba iska badelin sida xaaladu hada ay tahay ay sii ahaato waxay noqonaysaa in la sugo inta uu KEEROOW uu konton sano ka gaarayo, Keeroow waa wiilkii laga dhalay Hadiijoow. Dadka looma ooyaanka Rajaduudu waxay noqonaysaa in ay sugaan inta uu Keeroow 50 sano ka gaarayo

waxaa laga yaabaa in Keeroow uu xaqqa fahmo uuna soo celiyo wixii waalidkiisa ay dhaceen, uuna kulaabto meeshii ay ka yimaadeen waalidkiisa, xaalku waa Keeroow 50 SANO hagaaro markaas ayaa nabad lahelayaa waana 50 sano kadib, xaalku waa yaa dhintay yaa nool,.taas oo aan weli lahubin waa hadii Keeroow uu xaqqa famo, hadii uusan Keeroow uusan xaqqa fahmin uuna sidii waalidkiisa oo kele uu noqdo iyadana waa arin kale oo dhici karta oo khatarteeda leh, siina dheerayn karta rajada Dadka looma ooyaanka ay ka qabaan in ay helaan dhulkii laga boobay. Xaalku waa Keeroow konton sano hagaaro,

Keroow wuxuu konton sano gaarayaa marka lagaaro 2040 xaalku waa KEEROOW
KONTON SANO HAGAARO (Let keeroow be 50 years old)

W/Q ADKEESTE

2 COMMENTS

  1. Saaxib,

    Si aad u fahantid warkani oo loo cuskadey mustaqbalka soo socdo, waa inaadfahantaa waxa hadda ka socdo 6da gobol.

    Warkani haddaadan fahmin weligaa waxba ma fahmi doonto.
    Areey iisoo shaaw aan ku iri.

Comments are closed.