Daawo..Masjidka Jaamaca ee Magaalada Baardheere oo dhismahiisa la soo gabagabeeyey(Sawiro)

0
490
DSC00075Masjidkan Jaamaca ah oo ah midka ugu weyn Magaalada Baardheere ugu khadiimsan ayaa waxay howsha dhismahiisu ay soctey mudo ka badan ilaa 9 bilood,waxaana si rasmi ah loo furey shaley galab ,iyadoo Xafladii lagu furayey Masjidkana ay ka soo qeyb galeen dad tiradoodu lagu qiyaasey ilaa 2kun oo ruux oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.
Sheekh Shukri Xuseen oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Jaamaca  oo ka hadlayey Munaasabadii Furitaanka ayaa waxaa uu sheegay Bulshada Muslimka ee ku dhaqan degmada in ay ku guuleeysteen dhismaha Masjidkani oo markii hore ay ku tukan jireen ilaa 400 oo ruux,balse haatan tirada dadka ku tukun kara ay gaarayaan markiiba ilaa 2000 oo ruux,isagoona tilmaamay dhismaha Masjidka oo lagu sameeyey dib u dhis iyo balaarin in ay ku baxdey lacag dhan ilaa $200,000 oo Dolar.

Lacagtaasi ku baxdey Masjidka ayuu sheekhu sheegay in ay ka kala timid dadka Muslimiinta ah ee ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo dibadiisa oo badankooda Lacago ku tabarucay dhismaha Masjidka,halka dadka qaarkiina howshani ay ugu qeyb qaateen Muruq,Maal iyo maskax,waxuuna tilmaamay howsha ka dhiman masjidka in ay ka mid yihiin ,lacag dhan ilaa  $5000 oo Dolar oo deyn ah oo gashey Dhismaha Masjidka,ayna jiraan Baahiyo kale sida sameynta Musqulo iyo Baraago lagu weyseysto.
 
Sh.Shukri ayaa ugu dambeen waxaa uu u mahadceliyey Dadkii Muslimiinta ahaa ee  ka qeyb qaatey dhismaha Masjidkan,isagoo dhinaca kalena ka codsey dadka muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan Bixinta Lacagtaasi deynta ah ee Gudiga Dhismaha lagu leeyahay iyo weliba dhamaystirka adeegyada kale ee lagama maar maanka u ah Bilicda,Nadaafada iyo Quruxda Masjidka.
 
Si waxii aad sadeqaysan kartid aad u bixisid la xariir Accounts ka lacagta sadaqada la dhigayo oo ah Dahabshiil Account No.MUQD0009555 ama Email ccwardheere2003@yahoo.com.
DSC00078
DSC00074
DSC00070
DSC00072 
 
FG:waxii kale oo faahfaain dheeri ah la xariir telefonada Qaar ka mid ah Xubnaha Gudiga dib  u dhiska Masjidka Jaamaca Baardheere oo kala ah.
 
1 -Maxamed Aden C/lle           +252615882491
2- Cali Max,ed (Cali daqare)   +25261-5576221,
3- Aden Xasan Cilmi                 +25261-5812950
4- Sheekh Shukri xuseen         +25261-5858174
5- Sh.Ibraahin Sh.Mursal         +25261-5853967
6- C/risaaq Xaaji Cambe           +25261-5853765
7- C/laahi Seylaci Sh.C/risaaq. +25261-5811666
8- Faarax Hire Guhaad             +25261-5863897
9-Shariif Maxamed Nuur          +25261-5843440 
 
Axmed Cumar Saalixi
Wadajirradio Baardheere/Gedo